Saturday, November 16, 2013

Madaxweyne,Ma garbaa,ma dawbaa mise waa Badheedh?Xuseen B. Maax


Madaxweyne,waxa hore loo yidhi:(Qiso-ba la yaab lehe bal aan qodo xabaalaha).Goorma ayaa lagaa hoos guuray oo degreetadii aad ku meel marisay darajooyinkii ciidanka boliska qaranka dhexda loo fadhiistay oo jidgooyo lagu sameeyay!




Madaxweyne,tan-na yaa u fadhiyay,bal hada dhugo dhacdadan la yaabka leh:




Ciidanka boliska marka looga baahdo taliye karti,aqoon iyo waayo-aragnimo leh in loo diro gobol ka mid ah Jamhuuriyada Somaliland waxa la xushaa ragga lagu lado.




Madaxweyne,waxa jira taliye tilmaantaas leh oo loo diray dhamaan gobolada Jamhuuriyada Somaliland (Saylac ilaa Laascaanood),soona gutay waajibaadkii ka saaraa nabadgelyada shacabka iyo dalkiisaba,weliba taliye-Saldhig ka soo noqday 11ka saldhig ee ay leedahay caasimada(Hargeysa) Jamhuuriyada Somaliland,haatana taliye ka ah Saldhiga Sheekh Nuur,magaciisu waa Xariir wax-se loogu daro ma aqaan,aqoon hore uma lahi.Markaynu eegno 11ka taliye ee hogaamiya 11ka Saldhig ee caasimada waa ninka ugu aqoon badan,waayo aragsan,isagaana soo taba-baray 10ka taliye ee kale.Markii darajooyinka boliska la qiimeeyay waxa la siiyay 11ka taliye ee Caasimada darajooyin aad u kala fog,waynu ogayn waxii ka dhacay.




Madaxweyne,halkaa markay marayso waadigii amarka ku soo saaray in 11ka Taliye-Saldhig ee caasimada laga simo




darajada loo yaqaan kaptan, balse Taliye Xariir waa lala gees maray darajadii aad ka sintay.Cabashadii uu kuu soo gudbiyay-na dooxa-ba kamay gudbin oo mada-daaladii Cunaaye ayuun baa loo saaraa,waxaana loo cadeeyay inuu qalad dhacay oo number-kiisii nin kale ku darajo qaatay!!!




Taad maqashaaba tii kale ka daran,dhacdadani waa lama arag.Waxa iyana yaabka yaabkiisa ah, Taliye Xariir isagoo weli ka laalaada xidigtii hore ee liiska darajooyinka qaldan ayuu hadana Taliye-Saldhig u yahay 2ba xidig-layaal oo ay ka hoos shaqeeyaan.




Madaxweyne,nin ayaa laga hayaa (Burkaba bahal kama dayin).Muddo dhawr bilood ah ayaa ka danbaysay falkan foosha xun ee cadaadinta iyo cadaalad darrada xambaarsan,laguna xad-gudbay go’aan madaxweyne,welina aanay jirin cid hoos u eegtay oo wax ka qabatay.




Madaxweyne,Somalilander hore ayaa laga hayaa(Wax walba isa-saaray ee waxaanan weligay isa-saarin 2ba tagoo-good).Fadeexadan qaawisay kala danbayntii hogaaminta qaranka yaa leh masuuli-yadeeda,ma madaxtooyada,ma wasiirka arrimaha gudaha,ma taliyaha ciidanka boliska qaranka mise gudidii qiimaynta darajooyinka ciidamada qaranka.Yaa se iska leh ama masuul ka ah toosinteeda?




Madaxweyne,ma garbaa,ma dawbaa mise waa badheedh fadeexadan lagu duudsiyay darajadii uu xaqa u lahaa Taliye Xariir ee aad ka sintay kaptan-nimada 11ka Taliye-Saldhig ee Hargeysa.Waxa lagaaga fadhiyaa talaabo qaran iyo xal qaran oo ku qotoma cadaalad.




 




Xuseen Xasan Badmaax




Hargeysa/JSL