(GNA)Xidiga kooxda Liverpool Luis Suarez ayaa taageeray in garabka Bayern Munich Franck Ribery uu ku guuleysto Abaalmarinta Ballon d’Or taasi oo ay kula tartamayaan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.
Messi ayaa Abaalmarintan ku guuleystay afar jeer ooh ore, laakiin Suarez ayaa rumeysan in Ribery uu kaga guuleysan karo weeraryahanka Barcelona sanadkan.
“Uma maleynayo in uu Messi mar kale ku guuleysan doono Ballon d’Or waxaan rumeysnahay in uu qaadi doono Ribery oo ah nin u qalma sanadkan”. Suarez ayaa sidaasi u sheegay RMC.
“Cristiano Ronaldo iyo Messi waa ciyaartoy fiican laakiin isaga ayaay ku xigsan doonaan marka aad fiiriso sida ay wax u socdaan”.
Laacibka caalamiga ah ee reer Uruguay ayaa dhinaca kale si weyn u amaanaya weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain Zlatan Ibrahimovic, kaasi oo sidoo kale