Wednesday, November 6, 2013

Pale oo Taageeray go’aanka uu qaatay xidiga Atletico Madrid ee Diego Costa


(GNA) Xidigii hore ee xulka dallka Brazil Pale, ayaa ka hadlay muran xooga kaas oo ah i xidiga reer Brazil ee Diego Costa in uu damacsan yahay  ku biirida qaranka spainoo uu ka safan doono  dalka  Spain.




 




 




Mr Pale ayaa waxa uu yiri “Waxaan u maleynayaa in nalooga baahan yahay in aan tixgeslino go’aanka Diego hadii uu sababayo,  Waxa kaloo uu sheegay hadii uu u ciyaarayo  xulka Spain runtii waa go’aan fiican laakiin waa wanaagsan in  la ogaaday waxa ku khasabay ayuu yidhi Paale oo 73 jir ah  ayaa sidaas u sheegay saxafada caalamka u qaabilsan ciyaaraha caalamka.




 




“Pale yaa hadlkiisa isagoo sii wata waxa uu yidhi  waxaan fahansanahay in ay jirto duruufo  ku khasbay in uu qaato go’aankan. Mr pale ayaa waxa uu yiri waxaa wanaagsan  in uu sheegto  hadii uusan ka helin xulka Brazil soo dhaweyn fiican taasina ay tahay mid go’aan ahaan ku khasbi kara in uu ka safto xulka spain taas oo dhaawac ku keeni karaysa xulka brazil”.




 




 




 Si kastaba ha ahaatee arrintan ku saabsan xulka uu u ciyaari doono koobka Aduunka  xidiga reer Brazil Diego Costa,




 Brazil ama Spain ayaa muran xooogani ka jiraa, tan oo ay hareer socoto   iyada oo Tababaraha xulka Brazil sheegay in uu ku darsanday  xidigan Diego liiska ciyaartoydiisa ee xulaka brazil u safan doona.