Wednesday, November 6, 2013

Mourinho Oo Keyd Gelinaya David Luiz Ka Dib Markii Ay Ka Cowdeen Inta Badan Ciyaartoyda.


(GNA)Wargeyska Daily Star ayaa ku waramaya in David Luiz keyd la gelin doono usbuucan kulanka Champions League ka dib markii ay ka cowdeen xiddigaha qaarkoo ee kooxda ka tirsan.




 




“Ciyaartoyda waa weyn ee kooxda ayaa ka carooday habdhaqankiisa” ayay leedahay jariirada Daily Star.




 




Waxa ay hadalkooda raaciyeen: “Ilo ku dhow dhow tababaraha reer Portugal ayaa xalayto xaqiijiyay in Mourinho uu ka dhamaanayo sabarkii uu u hayay David Luiz, laakiin waqtigaan la joogo ma qorsheynayo inuu iska iibiyo bishii Janaayo.”




 




 




Luiz ayaa u muuqday inuu ka soo kabsaday taxadar la’aantiisa daafaca dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore, laakiin waxa ay u muuqataa inuu haatan ku laabanayo sidiisii hore taasoo keentay carada xiddigo badan oo kooxda.




 




Macalin Mourinho ayaana aaminsan in ciqaabtaan ay u noqon doonto daafaca reer Brazil mid uu hurdada kaga kaco.