Friday, November 15, 2013

Somaliland: Waa Goorma Isku shaandheynta Xukuumadda kala Jabtay?


"Bulshada oo isla dhex wareegaysa hadal hayn Been fakatay u Eeg!




Hargeysa(GNA)-Madaxweyne Siilaanyo wuxuu isku shaandheyn baaxadleh ku sameeyay Golihiisa Xukuumadda Bishii June ee la soo dhaafay.




Tan iyo wakhtigaasi waxa isbedel ah kumuu sameyn Golaha wasiiradda, Agaasimeyaasha iyo Maareeyayaasha hay’adaha Madaxabanaan toona.




Ilaa bishii October ee la soo dhaafay dabayaaqadeedii waxa la hadal hayay inuu isku shaandheyn mar kale ku samaynayo Xukuumaddiisa, balse ilaa hada wax war ah oo arrintaasi la xidhiidhaa kama soo bixin Aqalka looga arrimiyo waddanka.




Dadka ka faaloodda arrimaha siyaasadda ayaan qabin in xiligan la joogo wakhti uu Madaxweynuhu faro geliyo hawlaha xukuumadda, maadaama muddo kooban inaga xigto xiliga loo qoondeeyay qabsoomida shirweynaha xisbiga talada haya oo ay Golaha wasiirradu xubno ka yihiin.




Laakiinse kuwo kale ayaa ku doodaya in Madaxweynuhu ka hor shirka Kulmiye isku shaandheyn ku samaynayo xukuumaddiisa, isagoo uga dan leh laba qodob oo ay ku jirto Maslaxada xisbiga xukuumadda iyo kala madaxbanaanaanshiyaha Golaha xukuumadda laftiisa.




Wasiirrada u hanqal taagaya Doonashada Kuraasta sar-sare ee Xisbiga ayaa meelaha sida la sheegay Madaxweynuhu liishaanka saarayo.




Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha Wakiillada ee Xisbiga ku biiray iyo kuwii hore uga tirsanaa ayaa la hadal hayaa inay doonayaan Wasiirro ama in xilal looga dhiibo Xukuumadda, waxaanay taasi ku xidhantahay hadba siday u timaado fursad Kuraas wasiiro baneeyeen oo xukuumadda ka banaanaada.




Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ah Ninka ilaa hada damaciisa hore u cadeystay balse todobaadyadan laga dayrinayay go’aanka Madaxweynaha kaga soo noqday ayaan ilaa hada mawqifkiisa cadeyn.




Xubno kale oo iyaga laftooda damac ku jiro iyo kuwo muddo dheer xilalka hayay oo aan marna la nasin ayaa jira oo wer-wer ka qaba in la bedelo.




Si kastaba ha ahaatee duul duulka warar aan la hubin oo Bulshada ku dhex wareegaya ayaa muujinaya in Madaxtooyada laga helayo xogo la xidhiidha in madaxweynuhu talaabo qaadayo, inkasta oo dadka arimaha siyaasadda u dhuunta daloolaa ilaa hada taasi aanay u dhego nugleyn.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com