Friday, November 15, 2013

Warbaahinta Caalamka iyo Duufaanta Xeebaha Barri


Garoowe(GNA)-Tan iyo Bilowga Duufaantii ka dhufatay Xeebaha Gobolka Barri Warbaahinta Caalamku isha ayay ku haysaa dhibaatada halkaasi ka dhacday.




Warbaahinta afsomaliga ku hadasha ee Dalalka Reer Galbeedka ayaa Maalmahan si xoogan diirada ugu haysay Deegaanada dhibtu ka dhacday.




Suxufiyiin ka socda Telefishanka Caalamiga ah ee Al-jazeera ayaa soo gaaray deegaanada si ay adduunyada u tusaan dhibaatada ay umada reer Puntland u gaysatay Duufaanta Cyclone 03A,xilli olole loogu Gurmanayo dadka ay waxyeelaysay Duufaantu uu ka socdo Deegaanada Puntland.




Wariyaasha Caalamiga ah ee soo gaaray Puntland ayaa kala ah,Maxamed Cadow oo u shaqeeya Al-jazeera qaybta English-ka iyo Jaamac Nuur oo isna ka hawlgala Al-jazeera qaybta Arabi-ga,waxaana la filayaa inay gaaraan deegaanada ay Duufaantu waxyeelaysay.




Kuma Koobna Suxufiyiinta Caalamiga ah ee soo gaaray Puntland Maxamed Cadow iyo Jaamac Nuur ee waxa iyana Puntland soo gaaray Suxufiyiin ka hawlgala Jaraa’ido Caalami ah.




Socdaalka Suxufiyiinta ay kusoo gaareen Puntland ayaa imanaya xilli Duufaan xoogan oo khasaaro baaxad wayn geysatay ay ku dhufatay Puntland.




Gobanimonews




Garoowe Office