Hargeysa(GNA)-Waxa Maanta Magaalada Hargeysa soo gaadhay Wefti Xildhibaano iyo saraakiil sar sare isugu jira oo ka socda dalka Kenya.
Weftigan ayaa ujeedada socdaalkooda ku sheegay inay somaliland ka wada hadlayaan sidii loo sii ambo qaadi lahaa xidhiidhka labada waddan.
Waxa Madaarka Hargeysa ku spp dhaweeyay xubno ka kala socda Xukuumada, Golayaasha baarlamaanka, Guurtida iyo xubno kale oo badan.
Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheikh Cali Ayaanle oo ka tirsan Golaha Wakiilada somaliland iyo Ania Kaba oo weftiga hogaaminaysay ayaa faahfaahin ka bixiyay arrimaha labada dhinac ka wada hadli doonaan.
hoos ka dhegeyso hadalada: