Wednesday, November 6, 2013

Madaxweyne Xasan Sheikh oo Diyaarad ku tegay Jowhar


Jowhar(GNA)-Wefti uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daqiiqado ka hor soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.




Booqashada Madaxweynaha ee magaalada Jowhar oo ah tii labaad oo uu ku yimaado muddo ku siman labo bilood ayaa lagu tilmaamay inay tahay mid uu si dhab ah ugu ogaanayo xaalada fatahaadaha ee ka jira degmada Jowhar.




Weftiga uu horkacayo madaxweynaha ayaa ka degay garoonka kubbada cagta ee magaalada Jowhar iyagoo saarnaa diyaarad Helicopter ah.




Madaxweynaha ayaa bishii September safar dhinaca dhulka ah ku tagay Jowhar, hase ahaatee waxaa haatan ku qasabtay in diyaarad Helicopter ah ku yimaado fatahaada wabiga Shabelle iyo go'doonka ay ku jirto magaalada oo wadooyinka laga soo galayay ay biyo xireen.




Waftiga uu hogaaminayo madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar guddoomiye ku xigeenka 1aad ee maamulka gobolka Sh/dhexe Yuusuf Cabdi Cabdulle iyo guddoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Amiin Cismaan Xaaji Cabdulle iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe.




Ammaanka degmada Jowhar ayaa la adkeeyay iyadoo ciidamo badan oo isugu jira Soomaali iyo AMISOM ay ku sugan yihiin wadooyinka magaalada Jowhar.




Madaxweynaha ayaa waxa uu kula kulmayaa garoonka dayuuradaha ee magaalada Jowhar maamulka degmada Jowhar,odayaal dhaqameed,haween iyo dhalinyaro.




Degmada Jowhar ee u ah xarun gobolka Sh/dhexe ayaa muddo saddex bilood ah waxaa ka jiray fatahaado saameeyey isu socodka gaadiidka dadka iyo xoolaha iyado sidoo kale ay fatahaaduhu saameeyeen dalagyadii u soo go’i lahaa beeralayda xilliga deyrta.




Dowlada Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay ka gaabisay sidii ay wax ugaga qaban lahayd fatahaadaha iyadoo uusan jirin mas’uul ka socda dowlada oo weli soo booqday deegaanada ay fatahaaduhu saameeyeen.




Booqashada madaxweynaha ayaa ku soo beegantay iyadoo maanta markii ugu horeysay maleeshiyo beeleedyo wada dega degmada Jowhar ay ku dagaalameen duleedka Jowhar, taasoo xaalad hor leh ku soo kordhisay deegaanka.




Madaxweynaya ayaa tegay Jowhar, wax yar ka dib markii uu soo xidhay shirweynaha dib u heshiisiinta Jubbooyinka oo maanta la soo gabagabeeyay.




Madaxweynaha ayaa halkaasi ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa, taasoo uu ku sharaxay aragtida dawladda ee shirkan iyo arrimaha Goboladda Jubboyinka.




Xasan sheikh Maxamuud ayaa sheegay in shirkan lagu meel mariyay qodobadii ka soo Shirkii Addis-ababa.




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh Maxamud ayaa goobta shirka ka jeediyay Qudbad dhinacyo badan taabaneysay“Sharaf weyn bey ii tahay inaan maanta idinkala soo qeybgalo Xiritaanka shirkan muhiimka ah.Waa shir taariikhi ah oo nooga wada baahan inaan ka wada shaqeyno sidii uu u noqon lahaa mid dhaliya dib u heshiisiin waarta oo gobollada  horseeda nabad iyo horumar.




 “Waxaan jeclahay inaan maamulka Jubba iyo xubnihii Dowladda Federaalka uga mahadceliyey heshiiskii tariikhiga ahaa ee Addis Ababa, iyo sida labada dhinacba ay u muujiyeen tanaasul, dulqaad iyo danta guud ee Somalia.




 “Ujeedooyinka shirkan ayaa ah in dadka deegaanka ay ka wada hadlaan arrimo dhowr ah si xal waara loogu helo arrimaha deegaanka.Waxaa muhiim ah in maamulka KMG ah ee Jubba uu noqdo mid ay u dhan yihiin dhammaan dadka deegaanka, oo laga wada qeybgaliyo talada deegaanka.




 “Sidaas daraadeed, waxaa nalaga rabaa inaan la nimaad  biseyl, dulqaad, samir, is tixgelin iyo inaan danta guud ka horumarino danaha gaarka ah




 “Maamulka Jubba waxaa laga rabaa inuu tusaale u noqdo maamulada cusub ee soo socda, waxaana laga rabaa inuu shacabka deegaanka ka kasbado kalsooni, taasoo keeni karta in Dowladnimadeena, sharafkeena, wadajirkeena iyo karaamadeena uu hormuud ka noqdo.




 “Aragtideena fog ayaa ah in dalka la gaarsiiyo marxalad uu kula tartarmo waddamada caalamka ah. Waxaan rabnaa Soomaaliya oo mid ah oo caalamka mug ku leh. Taasna waxey ku imaan kartaa wadajirkeenna iyo xal u helidda dib u heshiisiin waarta.




“Waxaa na sugaya qorsheyaal badan oo ay ka mid yihiin dib u eegista dastuurka, dhaqangelinta federaalka, sameynta asxaabta siyaasadeed iyo dhammaan howlaha uu na farayo dastuurka KMG ah si aan 2016 u hirgelinno doorashooyin ka dhaca dalka.




 “Haddaba caqabado fara badan baa na wada heysta, waxaana uga wada bixi karnaa isku duubni, wadajir, iyo inaan danta guud ka horumarino danaha gaarka ah.




 “Waxaan idiin rajeynayaa in shirkan uu noqdo mid isku soo dhaweeya aragtiyada, mid keena in la isku dulqaato, mid noo sahla in maamulka Jubba uu si dhaqso leh uga howlgallo howlaha muhiimka ah oo ay ka mid yihiin in Al-Shabaab laga xorreeyo deegaanada, in maamul wanaag la gaarsiiyo degmo walba oo ka tirsan deegaanka iyo in dadka deegaanka loo diyaariyo sidii ay aayahooda uga tashan lahaaeyeen.” Sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya."ayuu yidhi Xasan Sheikh Maxamuud




Shirka ayaa markii la soo gabagabeeyay, markii qaar ka mid ah dhinacyada shirka qayb-galay saxeexeen Heshiis lagu gaadhay shirka, waxa hadheeyay buuq, iyadoo xubno ka mid ah Ergadii Axmed Madoobe Shirka ka baxeen.




Sheikh Axmed Madoobe ayaa Kooxdiisa ku qanciyay inay shirkan Markhaati ka ahaayeen, balse aanu saxeexayaasha heshiiska lagu gaadhay ka mid ahayn.




 




Gobanimonews




Muqdisho Office