Wednesday, November 6, 2013

Hanad Hiil Waayey iyo Habeenadii Murugadda!Faallo Khadar Farax Xuseen


Waqtigu waa xilli jiilaal ah, Taariikhdu waa 29 January, 2013, goobtuna waa badhtamaha Magaalada Hargeysa, qaboobaha iyo dhedada waa xilligii ay deriska ahaayeen. Hoygiisu waa Derbiga Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa, gogoshiisuna waa Kartoonka lagu keeno Caanaha Koostada, buste ama go’na wuxuu ka dhigtaa Qayd oo darafyada ka madhay.




Guuxa gaadiidka, Jaanta iyo Sawaxanka dadku ma dhibaan oo waxay noqdeen jabaq dhegtiisu la qabsatay, kuna seexato. Sidoo kale Jiilaalku wuxuu ka mid yahay waqtiyada xusuusta ku reeba 12-ka bilood ee Sannadka, sababta oo ah wuxuu helaa asxaab badan oo ay jiilaashinka iska dugsadaan, kuwaasoo xilliyada kale aanay is weheshan, asxaabtaas oo qaarkood aanay isku Sinji ahayn waxa ka mid ah dugaag dad la joog ah, sida Ayda iyo Daayeer reer Magaaloobay, taasina waxay dhalisay dhacdada Cajiibka ee dadka iyo dugaaga walaalaysay.




Shakhsiga sifadan lihi waa Mursal Yare oo ka mid ah Carruurta Derbi-Jiifka ah ee hoygu u yahay Biyo-mareenka dhinaca Koonfureed (Hawd) kaga beegan Dayrka Dugsiga Sheekh Bashiir iyo Duleedka Saldhiga Dhexe ee badhtamaha Hargeysa. Magaciisa wanaagsani waa Mursal, laakiin wuxuu uga dhego-nugul yahay oo loogu yeedhaa Dhegjar oo ah naanays uu ku caano-maalay. Joogiisu wuxuu u dhexeeyaa dherer iyo gaabni. Midabkiisu waa madow dugul ah oo dayac iyo duruufi ka muuqato.




Mursal ma yaqaano da’diisa iyo waqtiga saxda ah ee uu dhashay. Inkastoo uu muuqiisu qayirmay, korriinkiisuna hagaasay, aragtida oogadiisana laf-jab weyni ka muuqdo, hase-yeeshee, qiyaastii da’diisu kama weyna 10 Jir.




Mursal si waxan uma sixi karo Sooyaalkii nololeed, waxa keliya ee uu garanayaa waa in isaga iyo 21 Caruur ahi ay ku jireen Xarun Caruurta lagu xannaanayn jiray oo xidhantay Sanadkii 2010-kii, kadib markii Maamulkii Xaruntaasi [ Macallin Xasan) ku dhawaaqay in aanay hawshii u sii wadi Karin sababo dhaqaale awgeed, taasoo ku taalay Magaalada Hargeysa. Sidaa darteedna waxa uu ku wargeliyey Waalidiintii ama eheladii Caruurta ee la garanayey inay kaxaystaan, halka 9 Mursal ka mid ahaa intuu midkiiba Qayd siiyey ku yidhi – “ordoo Magaalada ka maxaabsada oo is debara”!.




Intaa kadib Mursal iyo Saaxiibadii waxay waajaheen nolol adag, waxanu ehel u noqday Cabsi, Qadoodi, Arad, Dhaxan iyo dayac. Waxa u bilaabmay nolol wer-wer leh, waxana xaalkoodii noqday mid kusoo ururay “Waraabe halkii loo eryaaba waa u bannaan”, balse “Calool adayg waa illaahay wehelkiiye”, Mursal iyo Saaxiibadii waxay is weydiiyeen wax la quutaa la joogee meeshii dhinaca la dhigi lahaa.




Qadar markii hadalkii la isku cel-celiyey, sida uu Mursal sheegay Muniir oo ugu madax fiiqnaa 9-kooda, ayaa soo jeediyey inay Caawa Seexdaa Saldhiga Dhexe Dayrkiisa oo uu doortay sababo amaan awgood, kadib waxay gaadheen Dayrka Saldhiga Dhexe waqti ay ku sugnaayeen afar ka yara madax-taagan (4 Wiil) oo iyagu Caagadaha Sharaabka laga cabo ka nuugayey wax aanay garanayn, hase-ahaatee ay waqti dambe ogaadeen inay Caagadaha ku jiraan Maan-dooriye lagu magacaabo Xabag ama Koolo,  maadaama ay ka tiro badnaayeen Mursal iyo Saaxiibadii wax dhib ah kala may kulmi kooxda ay u yimaadeen.




Muniir oo ugu weynaa ayaa kada-loobsaday goob ka mid ah gidaarka Saldhiga, intoodii kalena markaas ayey salka dhulka ku boobeen, iyagoo is cidhiidhsanayna ayaanay derbiga daba saareen, hase-yeeshee weli may is weydiin wixii ay dhinaca dhigi lahaayeen. “Saaxiibayaal Qaydkiina isku duuduuba, gogosheenuna waa dhulka’e ee dhinaca dhiga”. Sidaa waxa Saaxiibadii ugu niyad qaboojiyey Muniir oo hormood u ahaa Caruurta.




Mursal waxa uu habeenka ku tilmaamay bilowga nolol ‘cid iyo ciirsi la’aan ah’, inkastoo wax ay jidiinkooda mariyaan ay ugu dambaysay furinkii ay Saaka kaga soo quraacdeen Xaruntii laga soo dareeriyey. Hadana hurdo-xumada iyo rafaadka derbiga awgood cidna isma weydiin qadoodiga iyo waxay quutaan toona, waxa waayaha cusub ee Mursal iyo Saaxiibadii uu noqday mid aanay u kala duwanayn habeen iyo dharaar oo la mid ah hal-ku-dhiggii Abwaanku yidhi; “Habeen-yahow dheeri waad I dhibtay dharaartuna iima kaa dhaanto”.




markii libdhadu godkeeda cidi-baarkeed kala baxday (Cadceedu), dadkuna Suuqa u soo dareereen, iyadoo Mursal yara macaansanayo diirimaadka hawada iyo dheelka Cadceedu ka qaaday dhulka waxa uu ku war-helay dhawaaqa Saaxiibkii Muniir oo barbaarta ku wargelinayey inay gidaarka ka kacaan oo ay dhulka arsaaqad u raasadaan.




Hase-yeeshee, xaalkoodu waa Magaalo mug-weyn oo midkoodna maankiisa kuma hayo meel uu ka raadsado dhuuni iyo gasiin.  Cabaark markii ay Kada-loob ku jireen, Mursal waxa uu Saaxiibkii Muniir weydiiyey sababta uu Adeerkood Macalin Xasan sidan ugu galay ee uu Suuqa ugu daadiyey, balse Muniir isagoo garowshiiyo tusaya Mursal wuxuu ugu jawaabay; “Saaxiib Macallinku muu khaldanayne waxba waanu hayn”.




Isagoo Mursal ka baqsan duruufta adag iyo waayaha qalafsan ee u kowsaday, waxa uu mar labaad u soo bandhigay Muniir in sida Macallinku yeelay ay ka haboonaan lahayd mar haddii dhuuni waayey inuu dhismaha (hoolka) u daayo, si ay habeenkii u seexdaan, Maalintiina Suuqa u qadhaab tagaan.




Muniir u dhashay garaad badni muu dhibsan weydiimaha Haad Geed waayey oo kale ah ee Mursal, hase-ahaatee isagoo tixgelinaya duruufta cusub ee la soo deristay Caruurta uu ugu weyn yahay, waxa uu u sheegay in aanu Macallinkoodu ka lexo-jeclaysteen haddii uu bixin karayo Lacagta Guriga, waxana uu door-biday inuu Saaxiibadii dareensiiyo cusub ee la gudboon inay waqtigaa (Subaxdaa) ku dhaqaaqaan. Isagoo arrinkaa ka duulayana waxa uu yidhi; “Saaxiib weynu badan nahay oo isma raaci karnee sii jooga aan Magaalada inooga raadiyo Cunto’e”.




Mursal oo hadalka boobayaa ayaa si deg-deg ku jiro Muniir uga dalbaday inuu raaco, kadibna Muniir dalabkaas wuu ka aqbalay Saaxiibkii.




Cadceedu durba waxay maraysaa Nin jooggii, Gaadiidka iyo jaanta dadkuna marba marka ka dambaysa wey kusoo badanayaan. Waddooyinka iyo Shaaracyada Magaalada, Xawaaraxaha ay ku socdaana maaha mid sahlan oo qolo weliba waxay deg-degaysaa dantii ay u soo jarmaaday, balse Mursal iyo Muniir weli may arag khalqi intaa le’eg oo is dhaafaya, wax-tar daayo buray sidaan haddii aanay waxyeelo u geysan Gaadiidkaa sida qaabka daran Xawaaraha ugu socda. Waa Socod aan jiho lahayn oo ka dhigan Murtidii ahayd; “Nin Quwaax hela, Nin iskaba qada hala Qadhaabsado”. Nasiibkoodu se kuma qadinin.




“Xaaladan waxaan ka bixi karaa hadaan duruuftan ka gudbo Waxbarashona helo” Sidaa waxa yidhi Mursal oo aan Su’aal qaabka uu noloshan qalafsan uga bixi karo.




Sidoo kale mar uu ka hadlayey sababta ku kelliftay inuu cabbo Maan-dooriyaha Xabagta, waxa uu yidhi; “Nolosha adag ee aan ku jiro ayaan Xabagta isku ilawsiiyaa, balse waxay na nacsiisay Noloshii”.




Sida hadalkiisa ka muuqata Mursal waa fariid han iyo himilo u dhashay. Nasiib-daro fursadu may saamixin inuu xuquuqdiisii aasaasiga u ahayd noloshiisa, waxana u dhamaaday Kun habeen iyo habeen (1001) aanu habeena farxad arag, kuna sugnaa xad-gudubyo aanay maskaxdu malaysan Karin, sida xadhig, garaac, ku-shaqeysi, hadidaad iyo xaqiraada.




Hase-ahaatee, dhibaatada waxa Mursal kaga daran mushkilad kale oo saameyn togan ku yeeshay noloshiisa, kuna abuurtay Xannuun nafsaaniya. Waa weydiimo uu aad u neceb yahay oo ku saabsan Waalidkii iyo Nasabkiisa, kuwaasoo ay si fudud ugaga yimaada qaybo ka mid ah bulshada, balse Mursal fallaad ku ah, isla markaana ku reebtay urugo iyo uur-ku-taalo, takoor iyo muruggo dheeraad ah. Dabcan Shucuubta Dunida ku uumani waa ilma Nebi Aadan (CSW), aadame kastana wuxuu ilaahay ka dhex abuuray Hooyo iyo Aabo. Sidaa darteed Mursal waxba kama duwana oo waxa dhalay lamaane. Wuxuu garaadsaday isagoon Hooyo Aabo toona haysan, muu helin cid Sawrac iyo Suurad ama tibaax ka siisaa labadiisii Waalid iyo Qoyskii ay dhalasho ahaan kasoo jeedeen, markaa waa wax lala yaabo in ilmo yar oo dhibaataysan si joogta oo loo weydiiyo waxyaabo Maskaxdiisa  dhaawacaya, lagu Caayo ama lagu Ceebeeyo.




Haa Dhaqanka Soomaalida ayuu ku waayey Cadaalad, Sinnaan iyo Xorriyad.




Wuxuu la kulmay dhibaatooyin aanu galabsan. Muu dooran noloshan qalafsan, haddii Waalidkii waa waayey  waxa gabay dadkiisii iyo dawladiisii.! Sidaa darteed Mursal waa Hanad Hiil Waayey.




Dhibaatadani maaha mid ku kooban Mursal ku kooban, balse Magaalo walba boqolaal Caruur ah baa waddooyinka daadsan. Carruurtaasi waa kooxda bulshada ugu ayaan-daran. Dabcan xad-gudubyada ugu badani waxa loo geystaa Caruurta Derbi-jiifka ah oo ay Sanadahan dambe kusoo biireen Hablo Derbi-jiif ahi.Naxariis iyo taakulayn daayo iyaga iyo eyda debed-joogta ah isku si baa loo dhibsadaa oo loo maagaa oo loo dilaa. Ma jirto dawlad carruurtaa debedyaalka ah isu xil-qaantay oo ururisay oo daryeelka ay xaqa u leeyihiin u qabatay. Ma odhan karaa Somaliland Waa Cadaabtii Carruurta!.




 




 




W/Q. Khadar Farah Hussein




Khadarhussein@gmail.com




+252634425745




Hargeysa, JSL