Sunday, November 3, 2013

Somaliland iyo Djabouti, Socdaalkii Ingiriiska ka dib


Jabuuti (GNA) – Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada Somaliland, Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo uu weheliyo Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka UK Md. Cali Aadan Cawaale ayaa kulan saacado badan qaatay la yeeshay Wasiirka Afrika u qaabilsan UK Mr Mark Simmonds.




Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa Warsaxaafadeed uu kaga hadlay kulankaas oo Khamiistii ina dhaaftay dhacay, isla markaasna lagu baahiyay mareegta Internet-ka ee guusha.com, waxa uu ku sheegay inay ku lafo-gureen xidhiidhka labada dal iyo labada shacab ee Ingiriiska iyo Somaliland, Wada hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, farriimaha dhinaca socdaalka ee ay dawladda UK dadkeeda uga gudbiso dhinaca socdaallada (Travel Advice) iyo guud ahaan xaaladda mandaqadda geeska Afrika.




Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi ayaa dhankiisa si qoto dheer uga hadlay Taariikhda, Qarannimada iyo madaxbannaanida Somaliland, waxaana uu faahfaahin ka bixiyay in Xornimada Somaliland ay tahay mid aan gorgortan gali karin, waxaana uu tilmaamay waxa u qabsoomay reer Somaliland 22-kii sannadood ee la soo dhaafay” ayaa lagu sheegay Warsaxaafadeedka Wasiir Xirsi,




Waxaanu  intaas ku daray: “Waxa kale oo Wasiirku si cad u bayaamiyay in ujeeddada ay Somaliland ka leedahay wada hadallada ay Soomaaliya la waddaa tahay sidii ay si nabad ah ugu kala bixi lahaayeen una noqon lahaayeen laba dal oo jaar ah.”




 Dhinaca kale, Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyay dalka Jabuuti waxaana madaarka kaga ku qaabbilay Wasiirro ka tirsan xukuumadda dalkaasi oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamuud Cali Yuusuf iyo Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Jabuuti Cabdi Xuseen Axmed. “Waxa saaka si weyn iigu soo dhaweeyay dalka Jabuuti Wasiirka Khaarajiga iyo Wasiirro kale. Sida aad la socotaan Somaliland iyo Jabuuti waa laba dal oo walaalo ah oo cilaaqaad faro badani ka dhaxeeyo, sidaas awgeed, ayaan u imid dalka Jabuuti si aan ugala hadlo arrimo badan oo khuseeya danaha labada dal” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi oo markii uu ka degay Jabuuti saxaafadda u waramayay. “Xidhiidhkaas sidii loo sii xoojin lahaa ayaan u socdaa inaanu ka wada hadallo dawladda Jabuuti,”ayuu intaas raaciyay Wasiirku.




Wasiirka Khaarajiga Somaliland waxa uu sheegay muddada uu ku gudo jiro socdaalkiisa Jabuuti uu la kulmi doono masuuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweynaha, Raysal wasaaraha, Wasiirka Arrimaha dibada iyo masuuliyiin kale .




Gobanimonews




Hargeysa Office