Sunday, November 3, 2013

Somaliland oo dalbatay inay sanadka soo socda Marti geliso Shirka Socdaalka Somaliya


Nairobi(GNA)-Shir ayaa Khamiistii todobaadkii hore ku soo gabagaboobay Magaalada Nairobi ee waddanka Kenya, kaasoo looga hadlayay sidii loola tacaali lahaa Nolosha Tahriibeyaasha Somalida iyo Afrikaanka kale isugu jira ee Caalamka u socdaalaya.




Shirkaasi oo ay soo qaban-qaabisay Hay’ada Socdaalka Aduunka ee IOM, ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xakameyn lahaa, loolana socon lahaa amaanka tahriibeyaasha isaga gudbiya dalalka Afrika, Carabta iyo qaybo ka mid ah waddamada Yurub iyo waliba sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ay kala kulmaan meelaha ay sharci darada ku galaan.




Wufuud ka kala socda Dawladda federaalka Somaliya, Maamuladda Somaliland iyo Puntland, Djabouti, Kenya, Ethiopia iyo saraakiil ka tirsan Hay’adda IOM, ayaa ka qayb galay kulankaasi oo socday mudo laba maalmood ah, waxaana laga dooday sidii looga wada shaqayn lahaa gargaar u fidinta dadka dhibateysan waddamada shisheeye ee dib u dejinta uga baahan wadamada ay ku noolyihiin iyo sidii kuwa xuduudaha wadamadaas isaga talaabaya amaankooda loo sugi lahaa.




Sida ay sheegeen xubno ka mid ah Saraakiisha kulankaasi ka qayb galay, Somaliland ayaa dalbatay inay sanadka soo socda ee shirkan oo ah mid sanadle ah, isla markaana lagu faaqido arrimaha socdaalka Mandaqada Marti geliso.




Inkasta oo dhinacyada ka qayb-galay aanay isku waafaqin arrintaasi, hadana Agaasimaha Wasaaradda amniga Somaliland oo kulankaasi ka hadlay, ayaa la sheegay inuu ka soo qayb-gelayaasha u cadeeyay inay somaliland ka guulaysatay wax ka qabashada kooxo sida la sheegay gudaha waddanka dadka ka tahriibin jiray.




Ergooyinka ka qayb-galay shirkaasi wax aka mid ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda amniga Puntland,Agaasimaha Waaxda Amniga Somaliland iyo saraakiil ka socday Dawladda Federaalka ah ee Somaliya.




Gobanimonews




Kampala Office




Email: editor@gobanimonews.com