Sunday, November 3, 2013

Wasiir Garaad: Luul X. Mataan waxa lagu Xidhay Amar Diido iyo Sheegasho Xarun Dawladdeed, madaxweynahaana xildhibaano u diray”.


Hargeysa(GNA)-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Garaad ayaa Gaashaanka ku dhuftay Eedeymo looga soo jeediyay Xadhiga Madaxa Xarunta Derbi-jiifka Mustaqbal ee Hargeysa, oo dhawaan xukuumaddu xidhay, lagana wareejiyay maamulkii xaruntaasi.




Luul Xasan Mataan ayaa todobaadkii hore bilayska Caasimaddu si lama filaan ah xabsiga ugu taxaabeen, iyadoo sida ay Eheladeedu sheegeen aan waxba galabsan,lagase daba socdo arrimo la xidhiidha maamulka xaruntaasi.




Wasiir Garaad oo Maanta Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay samaysay Amar diido iyo sheegasho xarun dawladeed oo ay hanti gaar ah ku sheegatay, isagoo intaasi raaciyay in talaabada lagu xidhay ay sabab u ahayd fal gacan ka hadal ah oo ay kula kacday Sarkaal ka tirsan wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada.




“Meeshan markii aan xilka la wareegay waxa I gaysay Ilhaan oo igu tidhi Caruur agoon ahbaa ku jirta, wasaaraddu waxay siisaa Maaliyad  28800 Milyan, iyadoo ay noqonayso 70milyan inaanu saddexdii biloodba siiso, iyadoo sidaa tahay waxa dhacday inay Luul khaladaadbadan noogu geysatay oo ay marba warbaahinta naga caayaysay”ayuu yidhi isagoo sharaxayay sooyaalka xaruntan muranku ka taaganyahay.




Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynuhu dhawaan Xildhibaano u diray xarunta si ay warbixin uga keenaan“Madaxweynuhu toban xildhibaanbuu u diray maalin dhaweyd oo uu ku yidhi warbixin meeshaa iiga keena, gabadhii meeshii way sheeganaysaaba, mana laha shaqona kuma laha, manay dhisin, waxna kuma laha”ayuu sheegay.




Ugu dambeyn waxa uu ku dooday in Haweenaydan lagu xidhay dhawr arrimood oo kala ah amar diido iyo dagaal gacan ka hadal ah “Kiiskan dambe ee lagu xidhay wuxuu ku dhacay fal ay geysatay oo Gabadh meesha ka shaqaysa ay u geysteen iyada iyo Caruurteedu intay Xafiiska ugu yimaadeen, dabadeed waxa laygu sheegay anigoo burco jooga.




Markaa Gabadhaa waxa lagu xidhay waa Sheegasho Hanti dawladeed iyo amar diido, horaanan anigu shaqada uga joojiyay, balse way ka dhego adaygtay”.




Luul Xasan Mataan ayaa dhawr jeer warbaahinta ka sheegtay inay dawladdu weerar ku tahay xaruntan ay maamusho ay ku dhistay tabarucaad ay ka uruurisay Ganacsato, Hay’addo iyo Dad maalqabeeno ah oo reer somaliland, iyadoo ku dooday in sababta looga qaadayaana ay tahay sidii Mashaariic loogu doonan lahaa.




Inkasta oo aanay Luul Xasan ka hadal warbaahinta intii la xidhay ka dib, hadana dawladdu ayaa hada  kala wareegtay maamulka xaruntaasi, waxaanay dhawaan saraakiil ka tirsan Wasaaradaha waxbarashada iyo Qoysku geeyeen agab loogu talo-galay caruurta halkaasi ku jirta oo ay sheegeen inay dayacnaayeen.




Ma cadda inay sidaasi kaga hadhi doonto iyo inay dacwad ka furan doonto Hay’adaha Garsoorka ama meelo uga ashkatoon doonta iyo in kale.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com