Monday, November 11, 2013

SL: Xukuumadda oo go’aan Xaasaasiya ka soo saartay noocyadda Dhulka


Akhri war-murtiyeed ay soo saareen saddex wasiir oo kala ah---




Hargeysa(GNA)-Kala Xadeynta Dhul-beereedka iyo dhul-daaqsimeedka somaliland ayaa lagu saleeyay hab loo dejiyay sanadkii 1998-kii, kaasoo lagu kala calaamadiyay noocyada Dhul daaqsimeedka iyo Beeraha.




War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Beeraha iyo Deegaanku, ayaa lagu cadeeyay inay dawladdu ku foogantahay hawl-gal lagu dhaqan gelinayo qorsheynta iyo kala xadeynta Dhulka noocaas ah ee xiligaasi ku taariikhaysan.




War-murti-yeedkan oo laga soo saaray kulan Maanta oo Axad ah ku dhex maray Xafiiska wasiirka Beeraha, Wasiirrada saddexdan Wasaaraddood ayaa digniin loogu soo jeediyay bulshada qaybaheeda kala duwan.




Waxaanu u dhignaa sidan:-




 




Wasaarada arrimaha gudaha ayaa dhawaan madnuucday Magaaleynta Dhul daaqsimeedka dihin ee aan hore loo magaaleyn, iyadoo dhanka kalena wasaaradda deegaanku in dhawaaleba ku hawlaneyd qorshe lagula dagaalamayo Dhuxulaysiga iyo xaalufinta Deegaanka.




Muranada ka dhasha isku qab-qabsiga deegaanka iyo Dhulka Beeraha u asteysan ayaa ka mid ah Mushkiladaha ugu badan ee khilaafka ka dhex abuura bulshada somaliland.




Laakiinse fulinta hawl-gal arintan lagu xaqiijiyo ayaa ah mid waajahaya caqabaddo fara badan oo culays dheeraad ah u baahan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com