Monday, November 11, 2013

Dib u Celinta Qaxoontiga Somaliyeed ee Kenya oo laga heshiiyay


 Nairobi(GNA)-Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa heshiis ka gaarey dib u soo celinta dadkii ka qaxay dagaalada sokeeye ee Soomaaliya ee ku jira xeryaha qaxootiga Kenya.




Boqolaal kun oo Qaxoonti Somali ah ayaa ku jira Xeryaha Qaxoontiga ee Gobolka Waqooyi Galbeed ee Kenya, kuwaasoo bilihii ugu dambeeyay ay soo foodsaareen duruufo kala duwan oo ay ka mid yihiin Cabsi ku saabsan go’aan Kenya ku gaadhay in la celiyo, Gargaarkii la siin jiray oo gabaabsi noqday iyo cadaadis dhanka amniga ah.




Heshiis lagu gaadhay kulan saddex geesood ah oo dhex maray dawladdaha Somaliya, Kenya iyo Hay’adda UNHCER, ayaa lagu go’aamiyay inaan dadkaasi khasab lagu celin Karin, balse qofkii dalbada in waddankiisa somaliya loo celiyo la soo celiyo.




Heshiiskaasi waxa wada saxeexday  labada wasiir arrimo dibadeed ee Somaliya iyo Kenya Fowziyo Yusuf Xaaji Aadan iyo Amino Maxamed, iyadoo kulanka heshiiska lagu galay uu goob-joog ka ahaa  madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto.




 “Qofkii Soomaali ah ee doonaya inuu dalkiisa dib ugu laabto oo kaliya ayaa dib loogu celinayaa balse ma jirto cid lagu qasbayo in dalka lagu celiyo.”ayay tiri wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya Marwo Fowzia oo ka hadlaysay saxiixa heshiiska.




Wasiirada arrimaha dibada ayaa sidoo kale sheegtay in ay ka qeybqaadanayaan hay’adaha qaramada midoobay soo celinta kumanaanka Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah dalka Kenya.




Guddi ka kooban dowlada Kenya,Soomaaliya iyo laanta qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa ka shaqeyn doona waqtiga la bilaabayo dib u celinta dadka qaxootiga ah iyo qarashka la siin doono qoysaska si ay dib ugaga bilaabaan noloshooda gudaha dalkooda.




Sababaha ugu waaweyn ee ay dowlada Kenya u dooneyso inay dib ugu soo celiso Soomaalida dalkeeda ku sugan ayaa ah dhinaca ammaanka iyadoo aaminsan in xeryaha qaxootiga laga soo abaabulo weerarada lagu qaado gudaha dalka Kenya.




Dalka Kenya ayaa waxaa ku sugan 520,000 oo ah qaxooti la diiwaangeliyay halka 500,000 oo ah qaxooti aan diiwaangashanayn ay ku nool yihiin gudaha dalka Kenya. Xarunta ugu weyn ee dadka qaxootiga waa xerada Dhadhaab.




Xerada Dhadhaab ayaa la aasaasay sanadkii 1991dii iyadoo loogu talogalay 90.000 oo ruux oo kaliya hase yeeshee dagaaladii isaga kala dambeeyay dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay xerada noqotay mid shan jeer ka badatay tiradii loogu talogalay markii hore.




Wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya Fowzia ayaa sheegtay in sidoo kale heshiis lala gaari doono wadamada Ethiopia,Yemen iyo Uganda oo ay ku nool yihiin qaxooti faro badan oo Somaliyeed.




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: editor@gobanimonews.com