Monday, November 11, 2013

Boorama: Shir Caweys laga Shakiyay oo Dareemo xaasaasiya laga bixiyay


Boorama(GNA)-Shirkaasi oo ay ka soo qayb galeen  siyaasiyiin,waxgarad,dhalinyaro iyo madaxdhaqameedyo isla markaana aan loo ogalayn warbaahinta ayaa ilo wareedyo looga qaateen ah  Oo ku sugnaa madasha shirkaasi warbaahinta soo gaadhsiiyeen in beesha axamed yoonis ay halkaasi kaga arinsanayeen hawlo la xidhiidha dhinaca siyaasada gaar ahaan tabashooyin la xidhiidha dhinaca saami qaybsiga xukuumada oo in mudo ah beeshu gocanaysay.




Shirkan ayaa saaka subaxnimidii markii laga war helay qabsoomidiisa ay dadwaynaha ku nool magaalada borama ka dhawaajiyeen dareeno isugu jira kuwo Togan iyo kuwo Taban.




Sababta keentay dareenadaasi ayaa loo aanaynayaa in ay tahay in shirkani uu ahaa mid kulmiyay xildhibaano heer qaran iyo heer degmo ah oo kasoo jeeda beesha iyo siyaasiyiin aan in badan lagu arag madasha shirka horeeyay shirkan iyo xidhiidhka ay wada samayn karaan dhalinyarada




Balse shirkan ayaa sida aan wararka ku helayno dadka qaarkood ku tilmaameen mid xukuumada lagaga soo horjeedo Halka qaarkood ku sheegeen in beeshaa shirkeeda lagu soo beegay xaalada kala guurka ee dalka ka taagan,taas oo aanay ka maqnayn xulashada mustaqbalka siyaasadeed xisbiga ay  u guuri doonaan deegaankaasi.




Halka dadwaynaha qaarkoodna ku sheegeen inuu ahaa mid tageera logu radinayo shirwaynaha qaran ee mucaaridku ku baaqeen




Dhinaca kale dad tiro yar oo ka dhiibtay dareenkooda ku wajahan shirkaasi ayaa ku macneeyay arintan inay tahay mid ka baxsan Somaliland oo la xidhiidha is riix-riixa beelaha jibriil yoonis taas oo dabada ku haysa Saami qaybsiga koonfurta soomaaliya.




Sidoo kale dad xogogaal ah oo dusha kala socday shirar taxane ah oo isla beeshani ku yeelatay gudaha magaalada borama ayaa ku sifeeyay dib u habaynta ururkii Jiho kaas oo ahaa garab hubaysan oo ay aas aaseen dhalinyaro kasoo jeeda (Beeshani Axame yoonis) kuna salaysnaa Deegaamaysi, iyadoo shirkan ajandihiisu ahaa mid qarsoodi ah.




Si kastaba ha ahaatee shirkan ayaa habeenimadii xalay sida la sheegay qaatay saacadu taas oo aanay meesha ka maqnayn cadaadis kaga imanayay dhinaca maamulka degmada balse guntii iyo gabagabadii dhacdadan ayaa u eg ta ay ku sifoobday xukuumada maanta ee ah cabudhin iyo cadaadis ku lid ah dimuquraadiyada iyo xoriyatul qawlka.




Gobanimonews




Boorama Office




Email; editor@gobanimonews.com