Saturday, November 16, 2013

SL: Wasiirka Ciyaaraha oo Reer Saraar ku Canaantay Hudheel Orodyahan Jaamc Karaaciin Furtay


“Orodyahan Caanka ah ee Reer Qadar oo Hudheel Casri ah ka furtay Magaalada Caynabo iyo Munaasibada lagu fuary digniin laga jeediyay”




Caynabo(GNA)-Hudheel casri ah oo isugu jira Hurdo iyo Cunto oo lagu magacaabo ISHA CAYNABA oo laga hirgaliyay Magaalada Caynaba ee Xarunta Gobolka Saraar ayaa  shalayto si rasmi  xadhiga looga jaray.




Hotelkan oo uu maal galiyay  Oradyahanka Caanka ah ee reer Somalilan oo iminka Xaruntiisu tahay Dalka Gadar Jaamac Maxamuud Aadan(Jaamac Karaaciin),waxa  Xaflada lagu furay kasoo qaybgalay Masuuliyiin fara badan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha Cali Siciid Raygal,wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedeelo,Badhasaabada Gobolada Togdheer,Sool iyo Saraar,Madax kale,Salaadiin Qurba joog iyo dadwayne kale oo ka kala yimi dalka.




Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo isagu Hudheelkaasi xadhiga ka jaray ayaa aad ugu dheeraaday in hutelka nabadgalyadiisa la ilaaliyo isagoo reer caynaba ku canaantay dhinaca nabadgelyada.




Cali Siiciid Raygal ayaa   sidoo kale ka dhawaajiyay in waxyaabaha had iyo jeer uu madaxwaynuhu xadhiga ka jaro aanay ahayn wax qabadka dawlada ee ay tahay wax uu dadwaynahu qabad uu dadka shacabaka ahi qabsado.




 ''Waxaqabadka iyo maalgalintan hudheelkan jaamac Karaaciin wuxu tusaale u yahay dadka Gobolkan u dhashay inay ku daydaan,waxaana loo baahanyahay in aan qofku hadal ka shaqayn ee uu ficil wax qabad iyo horumar uu la yimaado, tanina waxay ka turjumaysaa inuu jaamac kaw ka yahay”ayuu yidhi.




Waxaanu intaasi ku daray “waxaa lagu jiraa tartan oo gobolka saraar Gobolo badan buu tartan kula jiraa,kaasina waxa uu ku xidhanayahay Bulshada u dhalatay sida ay u horumariyaan,Horumar kastaana waxa uu ku xidhanyahay nabadgelyada shaqaduna halkaas bay taalaa,Waxayaala badan baa ka dhacay Gobolkan oo aynu ognahay oo sifo sharci daro ah ku dhacay oo aan loo baanayn oo ah wax qaranimada,Bini aadan nimada iyo Gobolnimada intaba ku xun”ayuu intaasi raaciyay.




Isagoo la hadlaya wasiir Raygal Mujtamaca Gobolka waxa uu yidhi “waxaan leeyahay umad waliba Gobol waliba intay Xumaan samayso ayay umada kale ka danbaysaa,umad waliba intay wanaag samayso ayay umad kale ka horaysaa,waar reer caynabaaw laydin ma laha hudheelka gala ee dadka hudheelka seexanaya amaan galiya oo  reer caynabaw aan wanaag u gudubno.




Berigii dhawayd  ee uu Madaxwaynuhu  uu waftiga u soo baxay ee Burco maray ee uu  oodwayne Tegay salaxlay maray intaasoo Mashruucbaa la furay oo madaxwaynuhu furay Boqolkiiba hal kamay ahayn wax dawladu qabatay in allaale intaa la furayay haday dhaktar tahay haday, dugsigyo, maxkamado,Xafiisyo dawladeed  tahay,waxaa dadkii Magaalooyinkaa aanu maraynay deganaa ee degaanka u ahaa ama debad ha joogo ama dalka ayaa dhistay oo ku deeqay,markay sidaas tahayna Xukuumada iyo madaxwaynuhu waxay ku qasbanyhiin markay cidi tidhaahdo waxaasaanu qabsanaynaa ee waxaasaa naga dhiman in markiiba loogu daro,maantan xukuumadu waxay usoo jeedaa cidii wax qabsanaysa inay caawiso”ayuu yidhi.




 




 




Wasiiraka wasaarada Beeraha Faarax Cilmi Geedoole ayaa isna halkaas ka hadlay waxaanu xusay inay dawladdu soo dhaweynayso Maal-gaashiga caynkan ah'' dawladu way soo dhawaynaysaa maalgashiga iyo hantida gaarka ah waayo waxaanu uga nimi inaanu hotelka idnkala soo qaybgalo ilaa Afar boqol iyo konton kiiloo mitir,Magaalada caynabana aad bay horumar u samaynayasaa”ayuu yidhi.




Mulkiilaha Hudheelka Isha Caynaba Jaamac Maxamuud Aadan (Jaamac Karaaciin) oo halkaasi ka hadlay  ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay inuu dalkiisa hooyo uu maal gashi ka samaysto isagoo  sheegay sababata ku kaliftay inuu hudheelkan ka dhisto dalka ama Gobolkan  Saraar inaanay ahayn in uu hanti ka helo ee ay ku dhalatay markuu arkay baahida loo qabo iyo in dadka kale ku soo dhiiradaan uu go,aansaday inuu maalgalindalka ku sameeyo.




Maareeyaha shirkada Laydhka ee Beder  khadar Jibriil Aadan oo isna halkaas ka hadlay ayaa isna yidhi''hadii aanu nahay shirkada Beder waxaanu nahay ishii ugu horaysay ee Gobolkan iyo degmada Caynaba iftiimisay hadana waxaanu Magaalada Caynaba u diyaar garaynay Mashruuc ii ugu Horeeyay ee noociisa ah ee dalka laga Hirgaliyo  ee Koronto oo dabayl ah kaas oo Noqndoona mid ka haqab tira habeen iyo maalinba laydhka,waana ka keenay in uu Mulkiilahani ku soo dhiirado Caynaba,hudheelkanina wax wayn buu Caynaba iyo dalkaba




Badasaabka Gobolka Saraar,Maayarka Magaalada Caynaba,Taliyahay Booliska Gobolka Saraar ayaa iyana ugu baaqay in dadka reer Caynaba ay soo dhistaan Gobolkooda.




Suldaan Maxamuud Guuleed,Suldaan Maxamuud X.Xuseen,Suldaan Siciid Yuusuf,Suldaan C/raxamaan Qodax ayaa iyana reer caynaba ku adkeeyay inay nabada iyo horumarka ka shaqeeyaan.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office