Saturday, November 16, 2013

Burco: Isma Casilayo Maayir Muraad” Shir jaraa’id


Burco(GNA)-Qaar ka mid ah Xildibaanada Golaha degaanka Burco iyo waliba Maayar ku xigeenaka magaaladaasi ayaa sheegay inaanu iscasilayn Maayirka Magaaladaasi Maxamed Muraad.




Hadalkan ayay ku beeninayeen warar ay qoreen warbaahintu oo sheegayay in Maayar Maxamed Muraad  uu isu  casilayo Khilaaf isaga iyo qaar ka mid ah xildhibaanada soo kala dhex galay awgeed.




Xildhibaanada ayaa sheegay in uu Golaha degaanka Burco uu isku duubanyahay maanta isla markaana uu hada maayarku  ku maqanyahay dalalka Afrika.




Xildhibaan Siciid Axmed Maxamed oo shirkaas Jaraa'id ka hadlay ayaa yidhi''waxaan halkan ku beeninaynaa war ay qortay shebekad la yidaahdo Qoryaale kaas oo lahaa Golaha degaanka Burco ayaa Khilaaf dhex yaalaa,waxaan leeyahay waarkaasi waa been wax ka jiraana ma jiraan waa been,maanta maalin uu golaa degaanku ka wanaagsanyahay oo uu isku duubnaan wacanyahay ma jirto,maayarkiina magaalada wuu ka maqanyahay oo ku xigeenkaa hada xilkii sii haya,Maayarkayaguna isma casilayo.waxaanu sheegay siciid ian lasoo dhaafay xiligii madmadawga.




Maayar Kuxeegka Degmada Burco Ahna Ku simaha Duqa Muxumad Xasan Jaamac ayaa isna sheegay in uu Golaha degaanka iyo maayarku wanaag ku kala tegay oo wada shaqayn fiicani ay ka dhaxayso.




Xildhibaan Nuux maxamed Xuseen,Xildh''Farxaan Cabdi Aw Xirsi,Xildh''Khadar Nuux Siciid ayaa iyaguna si wada jir ah u sheegay in aan wax is qabsi ahi dhexdooda oolin isla markaana aanay aqbegali doonin cid danbe oo been ka sheegta waxaanay sheegeenn in ay hada gacanta ku hayaan wadooyinkii ugu badnaa ee Degmada Burco laga hirgaliyo.




 




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Email: Axmedmm9@hotmail.com