Tuesday, November 5, 2013

SL: Siilaanyo iyo Samaale Saaka oo mar kale Madaxtooyada laysugu geeyay iyo Saaxiibeyaashiisii la saftay oo Saddexada Ruugaya


“Warbaahinta ayaa Maanta dul gaafwareegayay Xafiiska Samaale oo goraygu ka hadaafay”




Hargeysa(GNA)-murankii Xisbiga Kulmiye ee ka dhex aloosnaa Guddoomiyaha Xisbigaasi iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale Wasiirka Maaliyadda, ayaa madax la galay marxalad hor leh iyo muuqaal siyaasaddeed oo cusub.




Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo maalmihii ugu dambeeyay arrintu ku adkayd ayaa haatan meel gaaban kaga soo booday Wasiir Samaale oo Olole Balaadhan ugu jiray sidii uu Musharaxnimada Guddoomiyaha Xisbiga isugu soo taagi lahaa.




Warar ka soo baxayay Madaxtooyada iyo dhinaca Xisbiga Kulmiye 48-kii saacadood ee la soo dhaafay, ayaa sheegaya in Muuse biixi Ergo siyaasadeed iyo mid Odayayn ahba ka helay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleban Maxamuud Aadan iyo xubno ka soo jeeda Beesha Madaxweynaha oo xisbiga iyo xukuumadda ku jira.




Ergadaasi oo inta la ogyahay uu ugu miisaan weynyahay Saleban Maxamuud Aadan oo  xiligan ah Odayga Siyaasadda dalka ah, ayaa la sheegay inay habeen hore Madaxweyne Siilaanyo ku qanciyeen inuu kala reebo labada Nin ee ku loolamaya Kursiga Guddoomiyaha Xisbiga, islamarkaana runta u sheego Wasiirka Maaliyadda, kuna qanciyo inaanu Guddoomiye muuse wax loolan ah la gelin.




Dooddaasi, ayaa la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo lagaga soo eekeeyay dhinacyo badan oo u kala dambeeyay ilaa shalay, kuwaasoo ilaa hada inta la hubo tiroba laba jeer shalay ilaa habeen hore Madaxweynaha la kulmay.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa in madaxweyne Siilaanyo markii la liqsiiyay go’aanka dulucda qudha xambaarsan ee  Ergada Beeshiisa ah iyo Dhinacyada kale kaga yimi, uu xalay u yeedhay Wasiirkiisa Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, kaasoo isaga laftiisa ergada isaga dab-qaaday Muuse iyo Siilaanyo go’aankooda  shalay gelinkii dambe gaadhsiiyeen.




“Kulan saacado badan qaatay oo ay Madaxtooyada ku yeesheen, ayuu madaxweynuhu Cabdicasiis Samaale ugu sheegay inaanu hungurayn Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye xiligan wakhti dambe mooyaane,kuna eekaato Wasiirnimadiisa, dabadeed Samaalena wuxuu ku yidhi anigu aan tartamo ama aan iska daayo ee Berri (Maanta), ayaa istiqaaladii kuu keenayaaye Wasaaradda cid u soo magacaabo, sidaasi ayaana lagu kala yimi xalay”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay xubin ka tirsan Xisbiga Kulmiye Garabka Samaale oo ka cudur daartay inaan magaciisa la shaacin xaasaasiyada arinta awgeed.




Dhinaca kale, sida ay tibaaxayaan ilo-wareedyo ku dhadhow Wasiir Samaale, tan iyo markii uu xalay go’aankaasi madaxweynaha u gudbiyay, ka dib markii uu ka cadhooday arrinta madaxweynaha kaga timi, waxa gurigiisa galaa baxayay ergooyin kala duwan oo dhinaca Madaxweynaha ka socday, kuwaasoo uu ugu horeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo isla xalayba la sheegay inuu Wasiir Samaale Gurigiisa ugu tegay, kana dalbaday inuu xaalada dejiyo.




Samaale ayaa la sheegay inuu tiroba laba Ergo oo uu Waran-cadde ka mid yahay diiday, balse saaka xili dambe ajiibay ergo kale oo u tagtay, aqbalayna inuu la kulmo madaxweyne Siilaanyo, kulankaasi oo abaaro tobankii subaxnimo suurto galay in laysugu yimaado madaxtooyada.




Ma cadda ilaa hada waxa kulankaasi layskula soo qaaday iyo in xal lagu gaadhay toona, balse waxa jira wali warar duul-duul ah oo ka soo baxaya dhinaca xulafada Wasiir Samaale oo sheegaya in laga badiyay loolankii siyaasadeed ee socday, isla markaana hada waxa kaliya ee u banaan ee ay haystaan ay tahay inay ka fikiraan halka ay uga wareegayaan miidaankooda siyaasaddeed.




Hadal-hayntaasi ayaa muujinaysaa inaanu jirin, dhaweyna ilaa hada xal la gaadhay, marka ay sidaasi tahayna waxa adag in xiligan la filo debec siyaasadeed iyo arinta la dejiyo.




Dhinaca kale, warbaahinta ayaa maanta dul-gaafwareegaysay Xafiiska Wasiir Cabdicasiis Maxamed  Samaale ee Wasaaradda Maaliyada oo aanu haba-yaaratee maanta ka soo daahirin.




Wariyeyaal ka tirsan Hay’adaha Warbaahinta Maxaliga ah iyo kuwa Caalamiga ah, ayaa la arkayay  iyagoo galaabaxayay Xarunta Wasaaradda ee Magaalada Hargeysa.




 ilaa hadase ma jiro war cad oo ka soo baxay samaale, waxaana jira  wararka qaar sheegaya inuu berri ku dhawaaqayo go’aankiisa.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com




la soco wixii warar ka soo kordha