Tuesday, November 5, 2013

M23: Waanu Joojinay Jabhadnimadii, Qarigiina waanu dhignay”


Johns berg (GNA)  Jabhadda M23 oo muddo sanado ah dagaal kula jirtay dawladda Kongo ayaa ku dhawaaqday  in ay  joojiyeen dagaalkii ay kula jireen dawladaasi, waxaana la sheegay in hoggaamiyaha jabhadaasi ugu baaqay madaxda militeriga ee ururkiisa  inay hubka dhigaan.




Hoggaamiyaha kooxdaasi fallaagada ah ee  M23 Bertrand Bisimwa   ayaa ku dhawaaqay inay soo afjarayaan fallaagonnimadii.




Jamhuuriyadda Dimuqraadiga  ah ee Koongo ayaa iyadu dhinaceeda  ku dhawaaqday inay ka guulaysatay kooxda fallaagada M23. dawladda  waxay sheegtay inay qabsatay goobihii ugu danbeeyay ee fallaagadu haysteen ee bariga dalkaasi.




Af-hayeen u hadlay dawladda Kongo oo magaciisa la yidhaahdo  Lambert Mende, ayaa sheegay in ciidankii fallagada M23  ay is-dhiibeen, isla markaana ay u tallaabeen dhinaca xadka dalka Ugaandha.




Ururka M23 ayaa iyagu dhinacooda beeniyay arrintaasi, waxaanay sheegeen  in aan laga adkaan, bal se  ay go'aansadeen in aanay sii wadin dagaalka ay kaga soo hor jeedeen dawladda Kongo.




Dhinaca kale madaxweynayaal ka socda  wadamadda ku bahoobay  ururka harooyinka waawayn ee gobolka ayaa ku shiraya  dalka Koonfur Afrika, waxaanay   ka hadlayaan  xal u helidda dhibaatada muddada ka taagan Kongo.




Waxaanay  madaxdaasi ugu baaqeen ururka M23 in ay joojiyaan dagaalladda  ay ka wadaan bariga dalkaas, waxaanay sheegeen madaxdaasi  in muddo shan maalmood guddahood ah  heshiis xabad joojin ah la saxeexan  doono  jabhadda M23.