Kulan lagu dar-dar gelinayo fulinta Mashruucan oo maanta Hargeysa ka furmay, warbixinta hoosteeda ka dhegeyso codka”By Khadar Axmed Xaashi
Hargeysa(GNA) kulan lagaga doodayo sidii looga faa’idaysan lahaa Kheyraadka Dabeeciga ah ee Berriga laga, khaasatan Beenyada, ayaa Maanta Shaqaalaha iyo Madaxda Waaxyaha wasaarrada deegaanka uga furmay Magaalada Hargeysa.
Kulankan oo ay furtay Wasiirka Wasarada Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Marwo. Shukri Xaaji Ismaciil Bandarre ayaa, lagu lagu bari doonaa ka soo qayb-gelayaasha sida looga faa’idaysto Beenyada iyo sidii ay bulshada u gaadhsiin lahaayeen uguna dhiiri gelin lahaayeen.
Wasiir Shugri Xaaji Baandare oo ka hadashay furitaanka shirkaasi ayaa ka warantay ujeedooyinka looga gol-leeyahay, waxaanay tilmaantay in hawshani qayb ka tahay mashruuc ku tacaluqa wax soo saarka Beenyada iyo dar-dar gelinta qorshaha wasaaradda oo ay ka caawinayaan Hay’adda DFID iyo Baanka adduunku.
“Mashruucani waxa uu ku saabsan yahay Beeyada, waayo sidda aynu ognahay Xoolaha ayey Kaalinta Saddexaad kaga jirta, oo dee Kaalinta Kowaad waa Xoolaha Nool, Kaalinta Labbad waa Dakhliga inasoo gala, kalinta Saddexaadna waa Beeyada, marka waa in aynu laffo gurnaa siddii Beeyada kor loogu qaadi lahaa, iyo siddii dhirteeda loo ilaalin lahaa, iyo waliba siddii Dibada loogu dhoofin lahaa.”Ayey tidhi wasiirku.
Wasiirka ayaa sidoo kale Shaqaalaha iyo dadka ka soo qayb-galay shirkan u soo jeedisay talooyin ku saabsan natiijada kulankan “ Halkan waxaynu iskugu nimid in aynu Muruqeena iyo maskaxdeena aynu iskugu geeyno siddii aynu u sixi lahayn wixii inaga khaldan, oo aynu ka hadlano maxaa inaga xun maxaa inaga khaldan, halkee wax inoo maryaan halkan halkee aynu ugu sii socon karnaa waa in aynu iswaydiina, waxaynu doonayna in waxqabadka aynu hay’adaha ka doonayno 2013 aynu qorshaheeda sii haysano oo haddii haya’di meel wax ka qabanayso, aynu ogaadan Xarumaha Goboladu.”
“waxa kale oo loo bahan yahay in dhinca shaqaalaha dhinca farsamada iyo guud ahaa gobolada iyo xafiiska guudba, in wixii caqabado ah ee jira ka hadlano, Somalidu waxay tidhada far kali ah fool ma dhaqdo, marka wasaradu imka ayey soo ifaysaa waan in halkaasi aynu marayno laysla jaanqaado, Meelaha ugu badan ee dadku ka soo qaylinayaan Waa Gobolada ee hawshu ka socotaa anagu xaruntii guud ee idin xidhiidhinaysay ayaanu nahay, waayo dee haaddii qaylo timado oo laga cabanayo daaqii, Biyihii, Barkado la’aan iyo tuulooyinka dhismaya waxaasi oo dhani gobolada ayey ka imanayaan, marka waa in aad wax ka qabtaan.”ayay hadalkeeda raacisay.
Mr. Nagiib Xaashi iyo Jemas Meller oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in lacagta loogu tallo galay Mashruucan beeyadu uu yahay illaa 10 Milyan oo Dollar, waxaanay soo dhaweyeen sidda loogu bahan yahay in uu mashruucani u hirgalo si bulshada reer Somaliland uga faa’iideystaan.
Beenyada ayaa ka mid ah qaniimadda ilaahay ku beeray Dhulka Somaliland, gaar ahaana deegaamada Buuralayda ah ee Gobolka Sanaag oo ay ka mid tahay waxyaabaha laf-dhabarta dhaqaale u ah.
Halkan ka Dhegeyso hadaladii shirkaasi laga jeediyay:-