Sunday, November 10, 2013

Al-shabaab: Nin kuu digay kuma Dilin”Digniin


Muqdisho(GNA)-Xarakada Al-shabaab ayaa uga digtay milkiilayaasha Hudheelada lagu raaxaysto iyo kuwa laga cunteeyo ee magaalada Muqdisho iney soo dhoweystaan madaxda, saraakiisha iyo xildhibaanada dowlada Somalia,kana Kireyn Hudheeladooda.




Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Al-Shabaab Shiikh C/casiis Abuu Muscab ayaa Warbaahinta ka  sheegay in shaqsiyaadka ku jira dowladu ay bartilmameed u yihiin weerarada Ururkaasi, sidaas awgeedna looga baahan yahay maamulayaasha Dhudheelada Raaxada inaanay la macaamilin madaxda dawlada  si aanay  waxyeelo u soo gaarin hantidooda.




 “Nin kuu digay kuma dilin, har iyo iyo habeen waxaan u taaganahay inaan leyno gaalada soo duushay iyo murtadiinta sidaas awgeed milkiilyaasha hotelada Muqdisho waxaan uga digeynaa iney soo dhoweystaan shaqsiyaadka ka tirsan dowlada ridada” ayuu sheegay Abuu Muscab.




Abuu Muscab ayaa sheegay in labo qarax oo habeen hore ka dhacay gudaha iyo banaanka hotelka Maka Al-Mukarama ay ku laayeen ilaa 10 qof oo uu sheegay iney isugu jireen, masuuliyiin, saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada dowlada.




Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan mid ka mid ah kooxihii weerarradaas ka dambeeyay, iyadoo tani ay imaanayso xilli ay dowladda Soomaaliya dadaal xooggan ugu jirto dib u soo celinta amniga guud ee caasimadda Soomaaliya.




Reysal-wasaaraha somaliya Cabdi Faarax Shirdoon, ayaa Maanta booqday Cisbitaalka Madiina ee dadkii weerarkaasi ku dhaawacmay la dhigay iyo Dhismaha Hudheelka Maka al-mukarama si uu u soo indho indheeyo Baaxada Khasaaraha gaadhay.




Reysal-wasaaraha ayaa ayaan daro ku tilmaamay falkaasi, isla markaana cambaareeyay cid kasta oo ka dambeysay.




Madaxweynaha dawladda Federaalka ah Xasan Sheikh Maxamuud ayaa isaguna sheegay inaan Weerarka Al-shabaab wax caqabad ah ku keenayn horumarinta iyo taabo gelinta amaanka dalka, isagoo xusay inay manaxaamiin yihiin kuwa wali carqalada ku haya dalku.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: Editor@gobanimonews.com