AC Milan iyo Chievo ayaa labadoodaba casaan laga qaatay barbaro 0-0 ah oo lagu caajisay oo labada kooxood ay ku kala baxeen kulankii maanta.
Kabtanka Milan Ricardo Montolivo ayaa casaan la siiyay ciyaarta oo dhiman todoba daqiiqadood ka hor inta aan isna casaan la siinin ciyaaryahanka Chievo Sergio Pellisier dhamaadkii ciyaarta.
Robinho ayaa kubad birta ku dhuftay, halka Alessandro Matri uu isna u dhawaaday inuu gool u dhaliyo Milan qeybtii labaad, laakiin barbarahaan waxa uu la micno yahay in Rossoneri aysan wax guul ah gaarin 6dii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan.
Waxaana ay sidoo kale natiijadan ka dhigeysaa in tababare Massimiliano Allegri inuu saaran yahay cadaadis badan iyadoo shaki weyn la gelinayo mustaqbalkiisa kooxda.
Kooxda hogaanka heysa ee AS Roma ayaa iyadana taako kala kulantay kooxda ku cusub Serie A xilli ciyaareedkan ee Sassoulo kuwaasoo goolka barbaraha helay daqiiqadii ugu danbeysay ee ciyaarta.
Gool uu iska dhaliyay Alessandro Longhi daqiiqadii 19aad ayay AS Roma hogaanka ku heysay, waxaana ay u muuqatay inay seddexda dhibcood ku qaadanayaan garoonkooda Stadio Olimpico.
Laakiin daqiiqadii 94aad ayaa waxaa xilli xun goolka barbaraha ka dhaliyay Domenico Berardi, kaasoo hal dhibic u soo dhiciyay kooxdiisa.
Roma ayaa hogaanka Serie A ku heysa 32 dhibcood waxaana ay afar dhibcood ka sareeyaan Napoli iyo Juventus kuwaasoo caawa isku dhegan.