Monday, November 18, 2013

Shabeelle: 29 Qof oo lagu Dilay Dagaal maalintii labaad ka dhacay No.50 “


"waxa nalugala Dagaalamayaa Taageero aanu beri dhaweyd siinay Somaliland oo ah dad aanu walaalo nahay"Cabdillaahi Quule




Muqdisho(GNA)-Deegaanka Lambar ka Konton ee Gobolka Shabeelaha hoose  waxa Maalintii labaad ka dhacay Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamo ka tirsan Dawladda iyo Maleeshiyaad ka soo jeeda Bulshada rayidka ah ee Gobolkaasi.




29 qof oo rayid u badan ayaa ku dhintay, inta la ogyahay ilaa afartan kalena waxa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen.




Saaka ayaa weerar kale la qaaday  kaasoo lagu eekeeyay Garoonka NO50, waxaana dagaalkaasi hogaaminaya sida la wariyay Col. Indho Cadde oo ka mid ahaaa hogaamiye kooxeedyadii Magaalada Muqdisho.




Dagaalka ayaa la sheegay inuu joogsaday duhurnimadii Maanta, ka dib markii ay Ciidamo ka socda AMISOM soo kala dhex galeen labada ciidan ee dagaalamayay.




Inkasta oo qadiyada dagaalkan markii hore loo sawiray in Ciidamada dawladdu dagaal kula jiraan maleeshiyaad hubaysan oo amaanka waxyeelo ku ah, waxa iminka soo baxaya ilo-wareedyada tilmaamay in ujeedada dagaalku intaasi ka sal-baadhantahay.




Deegaanka Ciidanku weeraray waxa degen Beelaha la yidhaahdo Biyo-maal oo dhawaan sameeyay Maamul ay hormuud ka yihiin oo la yidhaahdo UDUB-land.




Xaasaasiyad dawladda Xasan Sheikh Maxamuud ka qaaday, calanka Maamulka UDUB-land oo ay is-shabahaan Calanka Somaliland iyo damac ku waajahan Garoonka No50, ayaa loo aanaynayaa inuu dagaalkan sababay, sida ay Bulshada deegaanku ku doodayaan.




Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose Cabdiqaadir maxamed oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la weeraray Maleeshiyaad la doonayay in la qarameeyo, kuwaasoo dulaanka lagu qaaday aan waxba lagala socodsiin isaga.




Xubno ka mid ah waxgaradka Gobolka ayaa Gobanimonews u sheegay in dagaalkani uu ka sal-balaadhanyahay sida la moodayo, xidhiidhna la leeyahay arrimo deegaan “Meeshan laba bilood ka hor ayaa dagaal ka dhacay, waxaana lagu socdaa oo la doonayaa in la qabsado Garoonka meesha ku yaala”sidaasi waxa yidhi mid mid ka mid ah Odayaasha ka soo jeeda Gobolka Shabeelada hoose oo Gobanimonews la hadlay.




Waxaanu intaasi ku daray “Xaasaasiyad ay dawladda xasan sheikh Maxamuud ka qaaday Maamul Goboleedka UDUB-land oo calankiisa is-shabahaan Calanka Somaliland, ayaa sidoo kale qayb ka ah arrimaha dagaalkani salka ku hayo”ayuu yidhi.




“Waxa nalugu soo weeraray waa laba arrimood uun Niman ka soo duulaya Magaalada Muqdisho oo doonaya inay xoog ku qabsadaan Gobolka, isla markaana la wareegaan qaniimada Bulshada Gobolka iyo arrinta labaad oo ah Taageero aanu dhawaan u muujinay Dawladda Somaliland, somaliland waa dad aanu walaalo nahay oo wax noo diiyaa ma jirto inaanu taageerno” sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Cabdilaahi Quule oo ah Afhayeenka Bulshada Rayidka ah ee Gobolka Shabeellaha hoose.




“Dagaalku wuxuu joogsaday markii ay Ciidamada Amisom soo dhex galeen, kuwaasoo arkay in la xasuuqayo dad shacab ah oo maati iyo Caruur ah”ayuu hadalkiisa raaciyay.




ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dawladda Federaalka ah iyo wasaarada gaashaandhiga, balse waxa la sheegay in ciidamada dawladda ka tirsan khasaare ka soo gaadhay dagaalkaasi.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com