Djabouti(GNA)-Tababar la xidhiidha habka loola dagaalamo Budh-cad badeeda, ayaa lagu soo gunaanaday Magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti.
Tababarkan oo ay ka qayb-galeen saraakiil ka kala socday waadamada Gobolka, qaybna ay ka ahaayeen ciidamada Dalka Jabuuti, waxa bixinayay Saraakiil ka socda Ciidamada Badda ee Maraykanka ee fadhigoodu yahay dalkaasi.
Ka soo qayb-gelaayasha ayaa intii uu tababarkani socday waxa la baray hanaanka looga hortago falalka budhcad badeednimada ah iyo sida loola dagaalamo, iyadoo waxyaabaha kale ee la baray ay ka mid ahaayeen sida budhcad badeeda loogula dhex dagaalamo biyaha dhexdooda.
Tababarkan ayaa markii uu xidhmay waxa Dhoolatus lagu sameeyay markab wayn oo maraykanku leeyahay Xeebta Jabuuti ku sugnaa, kaasoo askartii tababarka qaadatay lagu tusayay sida ay uga hawl-gelayaan biyaha.
Dalalka ka qayb galay waxa ka mid ahaa jabuuti, Suudan, Kenya, Holand, maraykanka iyo Uganda, laakiise kamay qayb-gelin Somaliya, Somaliland iyo Puntland oo ka mid ah meelaha ugu daran dhinaca Budhcad-badeeda.
halkan ka Daawo Muuqaalka:
Gobanimonews
Jabouti Office
Email: editor@gobanimonews.com