Borama (GNA)-Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyooday roobab lixaad leh oo labadii maalmood ee u dambeeyey ka da’ayey meelo ka mid ah gobolka Salal.Iyadoo guud ahaan ay Somaliland ka da’ayaan roobab wata dabaylo qoyan.
Magaalada Garbo-dadar ee Gobolka Salal waxaa la xaqiijiyey dhimashada laba qof oo kala ah oday waayeel ah oo daad soo rogmaday uu qaaday iyo haweenay ay la duntay meel bullaacad ahi.
oon ka soo xiganay Caaqil Ibraahin Muumin oo ku sugan tuulada Geerisa iyo Maayarka magaalada Garbo-dadar Cabdi Cabdilaahi Kalluunle oo ku sugan caasimadda Hargeysa ayaa ku soo warramay in roobabkaasi dhaliyey khasaare naf iyo moodba leh,iyadoo roob aan kala go’ lahayni deegaanadaasi ka da’yeen labadii maalmood ee la soo dhaafay oo dhan.
Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in daadad ka dhashay roobabkaasi ay qallibeen oo rideen gaadhi booyad ah oo shidaal u soo siday dhanka magaalada Hargaysa isagoo marayey dooxa degmada Garbo-dadar
BY:Wariye Mustafe Carale
Gobanimo news.com
Borama/Somaliland