(GNA) Ragga & dumarka oo marka la,eego dhinaca caadooyinka & dhaqanka aad ugu kalla duwan ayaa waxaa jira Odhaah tidhaahda dumarku ma awoodaan inay sir hayaan ama aanay sheegin mudo 47 saacadood ah iyadoo welliba haweenku shaqooyinka badan ee ay guryaha ka qabtaan aanay ka hor istaagin inay doontaan dumar kalle oo ay la sheekeystaan,
Hadaba Daraasad cusub oo lagu sameeyey dalka Ingiriiska ayaa lagaga waramay in dumarka qaabka uu jidhkoodu u sameysan yahay uu yahay mid hadalka & sheekada aad u jecel iyagoo aad uga hadla arimo qaarkoodna muhiim yihiin qaarkoodna aanay wax muhiimad ah lahayn kuwaas oo ku saabsan wax ay hore u soo sameeyeen ama ay mustaqbalka sameyndoonaan,
Hadaba Daraasadan oo lagu qoray jariirada Daily Mail ee dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in dumarku ay maalintii shan saacadood ku qaataan hadal & sheeko iyagoo la sheekeysanaya Saaxibadahood isla markaana sheekadaasi ay u badan tahay inay naftooda ka sheekeeyaan ama ay ka sheekeeyaan dadka kalle, iyadoo waxyaabaha ay ka hadlaan ay u badan yihiin Suuqysiga ama alaab ay soo iibsadeen & sida ay miisaanka isaga Riddo & Geemka & Xanta & Namiimada ama isku dirka & sida ay ninkeeda ulla dhaqanto & iyadoo aad uga sheekeysa caruurteeda & sida ay cuntada u kariso,
Daraasadan ayaa sheegtay in dumarka qaarkood ay sheekooyinka noocaa ah ay uga sheekeeyaan Raggooda laakiin Ragga oo aan muhiimad weyn siinin arimaha noocaa oo kalle ah ay ku kalifto dumarku inay doontan haween kalle oo ay uga sheekeeyaan sheekooyinka noocaa ah, Ugu danbeyntiii daraasadan ayaa lagu soo gabagabeeyey in dumarku ay hadal ku dhameystaan maalintii shan saacadood oo kamida noloshooda,
Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com