Wednesday, November 13, 2013

Ragga Bidaarta leh oo kaga Wanaagsan wax badan Kuwa Kale.


(GNA) Daraasad cusub oo ay ku dhaqaaqeen khuburo loo xil saaray xaqiijinta farqiga u dhaxeeya nimanka timaha leh iyo kuwa tintu ka guurtay ee bidaarta yeeshay.




War bixin ay soo saareen kadib baadhitaan dheer ayeyna khubaradani tilmaameen in nimanka tintu ka hayaantay ama bidaarta yeeshay ay dhinacyo badan uga horeeyaan kuwa timaha dhaadheer ee gadfeedha iyo kareemka marwalba ku howlan.




Daraasadan ayaa laga soo saaray in nimanka bidaartu gashay ay dhowr arrimood ku wanaagsan yihiin kuwaasoo ay ka mid tahay in ay yihiin niman la aamini karo oo wacadka oofiya, sidoo kale waxaa la sheegay in bidaarleydu ay tahay nin adkeysi leh sidooo kalena saameyn balaadhan ku yeesha bulshada ay la nool yihiin.




Nimanka bidaarta leh ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in hadii ay shaqo doon yihiin inta badan ay ka hawl galaan arrimaha hogaaminta ayada oo loo doorto in hogaamiye yaal noqon karaan.




Sidoo kale aqyaarta tintu ka duushay ayaa la sheegay in dumar badani aad u jecel yihiin ayada oo sababtana lagu sheegay in ay nimankani yihiiin kuwa ku fiican dhanka Romantic-ga isla markaana fahmi kara dareenka haweenka lagu xod xoto.




Diyaariye;C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com