Garoowe(GNA)-dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa ugu deeqday dadka dhibaatadu soo gaartay ee Deegaamada Puntland lacag gaaraysa $1,000,000 (Hal Milyan oo Dollar), iyadoo shacabka kale ee Soomaaliyeedna loogu baaqay in ay deg deg u soo gaarsiiyaan gar-gaar kaas la mid ah.
Culimada ku dhaqan Goboladda Puntland ayaa iyaguna maanta xaqiijiyay inay gacanta ku hayaan ilaa boqol kun oo Dollar (100,000), iyadoo Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowena laga dareemayo Abaabul xoogan.
Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cali Cabulaahi Warsame oo warbaahinta la hadlay ayaa Baaxada khasaaraha dadka ku dhintay Duufaanka roobabka wata ay cago-cagaynayso ilaa iyo 300 ruux, halka xoolaha dabaysha & roobabka ku bakhtiyayna ay gaarayaan Boqolaal kun oo Neef, guryaha dumay iyo Hantida kale ee waxyeeloowdayna tirokoob lagu haynin.
“Magaalada Ayl qudha waxa ku dhintay intaan arkay ilaa soddon qof walina roobabku way da’ayaan khasaaruhuna wuu sii kordhayaa, waxaana ugu daran tuulooyinka hoos yimaada degmada, wax gar gaar ah oo na soo gaadhayna wuu yaryahay oo dhexda ayuu ku xanibmay” sidaasi waxa yidhi Cabdishakuur Axmed Aadan Gor-gor oo ah Wariye ku sugan degmada Ayl.
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo Maanta hadlay ayaa dalbaday in gurmad diyaaradeed oo deg deg ah lala soo gaadho waxyeelada roobabka duufaanta wata.
Roobabkan duufaanada iyo Dabaylaha wata ayaa wali ka soconaya deegaanada Xeebaha Bari ee Puntland waxaa la qiyaasayaa ilaa Maalinta arbadaca ah ee Barri in ay sii socon doonaan, xaalada jirtaana waa mid qalafsan oo laga dayrinayo.
Isgaadhsiinta ayaa go’an inta badan deegaamada dhibaatadu ka dhacday,taasoo xaalada sii cakirtay, loona ogaan kari la’yahay khasaaraha dhabta iyo war isgaadhsiinta.
Gobolka Guardafuu iyo tuulooyinka hoos yimaada degmooyinka Badarbayla, Dangorayo iyo Sunajiif, qaarkood roobabku ku da’een qaarna oo ay fatahaado xoogan ku soo rogmadeen.
Deegaanka Sinujiif ee gobolka Nugaal waxaa biyuhu ay gooyeen Buundada Midigar oo qiyaastii 60km u jirta Magaalada Garowe oo uu maro laamiga isku xira Qardho iyo Garowe, waxaana xalay ilaa manta halkaasi maray Biyo aad u farabadan.
Dawladda Somaliland ayaa sheegtay inay Caawimo ka geysanayso dhibaatootinka ku habsaday Deegaanada Puntland ee Duufaanku halakeeyay, inkasta oo Khasaarah roobabkaasi ka geysteen somaliland laftoodu kor u sii kacayaan.
Wufuud kala duwan oo ka socda Maamulka Puntland, Ganacsato iyo Hay’adaha Gargaarka ayaa ku sii qul-qulaya dhulka waxyeeladu ka dhacday, laakiinse sii socoshada roobabka ayaa ah caqabad hortaala in gargaar loo fidiyo dadka.
Dawladda Federaalka somaliya ayaa sheegtay inay wefti heer wasiiro ah u dirayso puntland, sida lagu sheegay war caawa laga soo saaray kulan gelinkii maanta uu yeeshay Golaha wasiiraddu.
Sidoo kale baaqyo Caalami ah iyo kuwa dadka somalida ah loo dirayo ayaa ka kala imanaya madaxda iyo shacbiga Somalida, kuwaasoo lagu dalbanayo in dadkaasi gurmad loo fidiyo.
Waa masiibadii ugu baaxada weyneyd ee ka dhacda Geeska afrika inta la xasuusto ama sanadihii ugu dambeeyay, waxaana la hadal hayaa, saraakiisha dawladuna ka digayaan inay roobabku sii socon karaan ilaa khamiista soo socota.
Gobanimonews
Garoowe Office
Email: editor@gobanimonews.com