Wednesday, November 13, 2013

Puntland: Wararkii u dambeeyay ee Khaasaraha Duufaanka


Garoowe(GNA)-Wali waxa soo kordhaya khasaaraha ka dhashay roobabkii duufaanta watay ee saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay ku habsaday Xeebaha Gobolka Barri iyo deegaamo ka mid ah Nugaal iyo Mudug , sida ay sheegayaan wararka Gobanimonews ka helayso deegaamadaasi.




Inkastoo xalay cabsi badan laga qabay roobab kusoo wajahnaa Gobolka mudug gaar ahaan dhulxeebeedka Garacad hadana wax khasaare ah ma gaysan, roob xoogan oo Fatahaad keeney dhamaan Togoga ayaa ka da’ay Gobolka Mudug iyo inta u dhaxaysa Mudug iyo nugaal, oo cabsi badan ka jirtey.




 




Garacad oo tan iyo habeyn hore isgaarsiintu ka maqnayd ayaa ay soo noqotay isgaarsiintii Maanta, wax khasaare dad ahna lagama soo sheegin waxaase jira xoolo dhintay iyo Guryo dumay.




Jariibaan oo roobku u badnaa shan guri ayaa duntey waxaa ku dhawacmey qof dumar ah, khasaare xoolaad ahna waa laga soo sheegay.




 




Dhamaan Togoga ku yaal nawaaxiga Buurtinle ilaa Jariiban waxay keeneen Daadad xoogan, Dadku aad ayay u foojigan yihiin oo waxaa gaartey qayla dhaantii taasaa yareysay khasaaraha, oo waa laga fogaadey dhulalka godon ama hooseeya”sidaa waxa sheegtay Puntlandi.




Dhinaca Gobolka Gardafuu waxaa wali socda Gargaarkii iyo tirokoobka khasaaraha ka dhashey Dabaylihii ku dhuftey sadex maalmood ka hor, dhulka badankiisa wali lama gaarin.




Gobolka Nugaal iyo Bari wali waakala go’an yihiin, saaka waxaa Garowe laga direy kaalmo xoogan oo dhinaca Eyl ku wajahan.Bosaso sidoo kale waxaa ka baxay Dad fara badan oo gacmohooda gurmad ku wada.




Khasaaraha ugu badan Puntland wuxuu ka jiraa dhul xeebeedka Eyl ilaa Banderbayla iyo Bariga fog oo meelaha Qaar wali lama gaarin oo illaa hada lagama warqabo, waanay  adagtahay in la gaaro, lakiin maanta ayaa abaabul xoogan ka socdaa Garowe sidii loo gaari lahaa dhamaan deeganada laga cabsida qabo inay ka jiraan khasaaraha xoogan.




 




Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Axmed Cabdullahi Jamac Ilka Jiir waxa uu saaka  sheegey in meydka la heley ilaa shalay uu gaarayo 139 Qof.




 Ciidanka Bada Puntland ayaa kusii jeeda deegaanadaas, meelaha qaarkood Ciidanka ayaa khatar ku tahay, waxay isticmaalayaan doonyo gaara,tirada dhimashadu hada waxay gaaraysaa 360 qof in ka badan, lakiin dhulka khasaaruhu gaaray inta laga war hayo waa dhul aad u yar marka loo eego dhulka lagaari waayay, 20% ayaa laga hadlayaa khasaaraha ka dhacay, 80% wali war lagama hayo, maxaad u malaynaysaan dhulka aan la gaarin oo ay degan yihiin kumanaan Qoys oo aan wax raashin ah helin sadex maalmood. meelaha qaar waxaa loogu tagay dad geedo saaran, Caruur biyo qaadeen iyo hooyooyin geed ku dhegan.




Kumanaal qof ayaan illaa hada wax gurmad ah helin, waxaa jira gudi isugu jira Culumo iyo xubno Dowlada ah oo loo sameeyey dhaqaalo ururinta, Waxayna saldhigyo ku leeyihiin Garowe iyo bosaso Riix halkaan hadaad tabarucaad bixineyso




Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. cali cabdullahi Warsame waxa u sheegey in la diyaarinayo Warbixinta guud iyo sidii gargaar caafimaad loo gaarsiin lahaa Dadka, Waxayna ku mashquulsan yihiin sidii kaalmo deg deg ah loo helilahaa loona gaarsiin lahaa dhulka aan la gaarin, tasoo maanta kamadambeys si lagu gaaraba la isku dayayo in lagaaro.




Gudoomiyaha Wadooyinka Puntland Maxamuud Cabdinuur Aaden Dalab ayaa Puntlandi u sheegey saaka iney wadaan olole xoogan oo lagu dhisayo Wado deg deg ah oo kumeel gaar ah nawaaxiga Sunajiif, meesha ay ka go’yday Buundadu si baabuurta Gurmadku u dhafaan.




Laamiga kala go’ay ee Sunajiif ayaa ah 380 mitir oo dherer ah, 8 mitir baslac ah, wuxuuna hoos u qodmay 4 mitir. sida aad saiwrka hoose ku aragtaan.