Burco(GNA)-Cuqaal iyo waxgarad reer Burco ah ayaa ku han jabay inay talaabo ka qaadi doonaan mareeyaha wakaalada Biyaha kadib markii bay yidhaahdeen uu shaqaale wakaalada biyaha ka tirsanaan jiray uu eryay.
Arrintani waxay ku soo beegmaysaa xili laga dayrinayay Biyaha Magaalada oo yaraaday iyo maamul xumo xafiiska Wakaalada ku habsaday.
Cuqaashan iyo waxgaradkani sheegeen inuu ka amar qaadan waayay dawladii ka saraysay oo soo amartay in shaqaalahan shaqadoodii lagu celiyo,kuwa hawlgabka ahna xuquuqdoodii la siiyo.
waxaanay cuqashani dawlada ku eedeeyeen inay qaska iyo dhibaatada ka waddo wakaalada Biyaha halka ay qaar cuqaashan ka mid ahina dawlada ku tilmaameen inaanay waxba kala socon mushkiladda wakaalada haysata.
Caaqil Axmed Xasan jaamac oo ugu horayn ka hadlay shir jaraa’id oo ay ku qabteen Magaalada Burco ayaa sheegay inay ka diireen eriga shaqaalaha Wakaaladda.
''sababta aanu intayadan oo dhami isugu nimi waa shaqaalahan wakaalada ee layska eryay ee meel lagu tiiriyay aanay jirin,anagu wasaarada ee wasiirka, agaasimaha iyo maareeyaha,waxaanu leenahay Somaliland shaqo kordhin bayb u baahnayde shaqo dhimis uma baahna,mudo fara badan baanay arintani socotay oo wax laga qaban waayay,fariinta ugu danbaysa waxaanu u diraynaa Madaxwaynaha,anagu cuqaashii iyo culumadii baanu nahay,anagoo nabadgelyada dalka ilaalinayna oo dhalinayarada ku amaray in wax shoobare ahi dhicin,hadana hadii ay xumaantu xagii dawlada ka soconayso anagu waxba ma qabankaro,
mashaakil kasta oo gobolkan ka dhaca,markuu dhaco ayaa lasoo yaacaa oo hanti lagu bixiyaa oo la yidhaahdaa halkaas baa wax ka dhaceen,waxaa loo baahanyahay in ka hortag lagu sameeyo”ayuu yidhi.
Oday C/laahi Maax ayaa sheegay ''dadka shaqaalaha ahai way simanyihiin,21 kaa shaqaalaha ahi markii ay ashkatoodeen waxaa wasaaradii tidhi halagu celiyo,amarkii dawlada ayuu diiday sharcigu kuwaas ha edbiyo oo ha qabsado oo maxkamad hala taago,qolo iyo qabyaalad toona maaha waxaa aanu ku hadlaynaa ee wax halaga qabto cidaa sharciga diiday”.
Xuseen cabdi Maax ayaa isna ku dooday''Nimankaas Muwaadiniinta ah ee shaqalaha ah ee layska eryay Markii dacwoodeen ee hadleen ilaa heer wasiir loosoo ogolaaday ay is hortaageen rag uu Maareeyuhu ka mid yahay,waxaan leenahay wasiirka iyo agaasimaha inay maareeyaha wax ka qabtaan hadii ay diidaan in wax laga qabtona isku dhac baa ka iman doona,intuu kuwan eryay ayuu qaar cusub oo uu dan ka leeyahay qortay”.
Xasan isaxaaq Aw Xasan oo isna shirkaas jaraa'id ka hadlay ayaa yidhi''waxaanu ka hadlaynaa nimankaas shaqaalaha ah ee dhawr iyo labaatanka ah ee layska eryay ee cid iyo nooc walba leh waxaanu leenahay nimankaas shaqadoodii lagu celiyaa,wakaalada iyo Maareeyaheeda aad baa looga cabanayaa,nin waliba hadii uu meel iska goosto dawladiina aanay warba kala haynin,waana ayaan daro in dawladu shaqadii ay lahayd miidhyaha odayaal uga sheegaan waxay ahayd in dawlada iyo madaxwaynuhu ay meel walba waxa ka soconaya ay ka war hayaan,wakaaladan biyaha ee Burco maalin walba cabashadiisu way taagantahay galinka hore iyo kadanbena way soo baxaysaa,dawlada waxaanu leenahay intaan magaalada Burco intaan magaalada biyuhu ka xidhmin,arintaas waa in dawladu fara galisaa war rasmi ah ka heshaa,Wasiirkii wuu iska tegay odayadii war kuma soo celin waxa jirana muu dhuuxin,waxaan ku celinayaa dawladu shaqadeeda ha ogaato haka warhayso.
Caaqil Aadan Cali Raygal iyo Oday Maxamed Cilmi cige ayaa ugu danbayntii sheegay inay sideed iyo afartan saacadood ka war sugayaan dawlada wixii ka danbeeyana aany masuul ka ahayn wixii ka dhaca Wakaaladda Biyaha ee Burco.
Odayaashan ayaa ku nuux-nuuxsday inay araintani nabadgelyada saamayn ku yeelan doonto maadaama oo aany meesha oo lin wax kala danbayn ahi.
si kastaba ha haatee odayaashan iyo wax garadkan saaka shirka jaaraaid ku qabtay Magaalada burco oo ahaa kuwii ugu badnaa ayaa waxa ay kusoo beegmayaa xili ay wakaalada Buuq iyo cabasho badan Bulshada reer burco ka qabaan iyadoo maalmihii ugu danbeeyayayna ay magaalada qaar ka cabanayeen Biyo la.aan, ku timi dhinaca farsamada iyo maamulka wakaalada Burco.
Axmed Muuse Maxamed (Sakaaro)
Gobanimonews
Burco Office