Wednesday, November 13, 2013

Siilaanyo, Samaale iyo Muuse Dhufayska haka soo baxaan”GNA


Go’aan ka Gaadhista Musharixiinta Xisbiga talada haya ee Kulmiye, ayaa ah arrin dood badan dhalisay.




Dadka qaar ayaa aaminsan inaan Madaxweyne Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisa tartan lagula geli Karin Musharaxnimada jagada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa .




Qaar kale ayaa  aaminsanyihiin in Musharaxa Madaxweynaha xisbiga kulmiye uu yahay Guddoomiyaha xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi oo isagu difaacanaya Kursiga Guddoomiyenimada ee shanta sanadood ee soo socda.




Labadan qodob, waxa ku lamaan loolanka wasiirka Maaliyadda ee xukumaddu ugu jiro helida dhabo uu u sii maro Kursiga madaxtiminada ee waddanka shanta sanadood dambe.




Cabdicasiis Maxamed Samaale oo muddo dheer laydhiisa siyaasadeed dhinacyo badan kaga  imanaysa  xisbiga Kulmiye, ayaad moodaa in todobaadkii u dambeeyay uu soo  afjarmay yoolkiisii siyaasadeed.




Wasiir Samaale ayaa sidii uu loolanka ugu jiray ee ay isu baacsanayeen Muuse biixi hal maalin uun la sheegay inuu candhuuftiisa dib u liqay, ka dib markii sida la sheegay Madaxweyne  Siilaanyo go’aan aanu ku farxin uu si foolka fool ah ugu dhiibay, kuna war geliyay inuu  kala doorto laba daran oo midkoodna aanu ilaa hada ku adkeysan.




Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inuu Samaale ku qanciyay inuu kala doorto Kursiga Wasiirnimada iyo inuu dibada uga baxo xukuumadda oo uu ku tartamo kan Guddoomiyaha Kulmiye, hindisahaasoo ahaa mid xili horeba uu madaxweynuhu u dejiyay kala nidaaminta Xisbiga iyo Xubnaha xukuumadda ee Hungurigu kaga jiro inay loolanka mustaqbalka ka qayb-galaan.




Madaxweyne siilaanyo ayaa la sheegay inuu Siyaasiyiinta xisbiga Kulmiye jooga uu halkaasi in lagu nabad-gelayo qorsheeyay, isla markaana wasiirrada xukuumadda ee manaasiibta xisbiga damac ka galona ku amray inay dibada ugu baxaan u tartankooda.




Inkasta oo warkaasi aanu ka soo bixin labada dhinac midkoodna, hadana ilaa hada waa warka qudha ee suuqa ugu jira damacii Samaale waxa hakiyay, taasina waa mid ka mid ah caqabadaha siyaasadeed ee dabri kara rag badan oo xukuumadda ku jira oo xisbiga ka tartami lahaa.




Sidaasoo ay tahay wali Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale ma uu cadeyn hadafkiisa siyaasadeed, inkasta oo la hadal hayay inuu madaxweynaha istiqaalad u gudbiyay, kuna hanjabay inuu iscasilayo.




Hadal la’aanta Wasiir Samaale iyo mawqifka Madaxweynaha ee mugdigu ku jiraa waxay abuureen tashuush siyaasadeed iyo inay Bulsahda danaysa arimahani warar jaantaa rogana oo meel loo raaco alahayn  suuqa la wareegaan.




Dhinaca kale, waxa muuqda in Hogaanka xisbiga Kulmiye Libin is biday, islamarkaana isku qanciyay inaan cidi ka riixi Karin Kursiga ugu sareeya Xisbiga, taasoo dhaawac ku ah hanaanka dimuquraadiyadeed iyo ujeedada loo aasaasay Asxaabta siyaasadda.




Waxa qodob Macquuliyadda ka baxsan ah in la yidhaahdo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa looga hadhay Muuse Biixi Cabdi iyadoo aan cid kula  tartantay jirin, waxaanay meesha ka saaraysaa sharci jabina ku tahay Xeer-hoosaadka xisbiga iyo shuruucda dalka uga degsan doorashooyinka iyo asxaabta.




Sidoo kale arrintani waxay saameyn ku yeelanaysaa dhismaha iyo Koritaanka Asxaabta Siyaasaddeed ee waddanka oo aan wali si fiican u qaan-gaadhin, isla markaana hore ugu soo bur-buray murano caynkan ah.




Sida Xisbigii UDUB oo asbaabihii bur- burka u horseeday ay tan oo kale ka mid ahayd, ka markii hogaankiisa laga furfuri waayay Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin.




Sidoo kale, waxa dood iyo dareen kale xambaarsan qaabka loo raadinayo hogaanka xisbiga iyo hadal haynta ah in qaab beeleed xisbiga loo maamulayo.




Inkasta oo Libbinta Muuse iyo garabkiisa Kulmiye ay isbideen tahay mid laysaga dambeeyo, hadana waxa daruuriya in dhamaan arrimahan oo dhan cidyowga ay kala khuseeyaan bulshada u soo bandhigaan inta aan la gaadhin muddada loo cayimay shirweynaha xisbiga ee bisha December.




Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com