Wednesday, November 13, 2013

Somaliland: In ka badan 70 Arday oo Deeq Waxbarasho ka helay Itoobiya


"Waxa ka mid ah Ardayda timi Deegaamada Buuhoodle"



Hargeysa(GNA)-Xubno ka mid ah Golaha wasiirrada ee Xukumadda Somaliland iyo madaxa Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka ayaa todobaadkan Magaalada Jig-jiga u kaxeeyay todobaataneeyo arday Deeq Waxbarasho ka helay Itoobiya oo kala yimi deegaamada somaliland.



Weftigaasi waxa hogaaminaya Wasiir u dawlaha Waxbarashada Somaliland Axmed Nuur Faahiye, waxaana ku wehelinaya Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax.



Ardayda Deeqda waxbarasho ka helay Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya waxa ka mid ah ilaa dhawr iyo toban Arday ah oo ka mid ah kuwii sanadka dhamaystay Dugsiyada Sarre.



Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo la xidhiidha amba bixinta Ardaydan, balse saraakiil ka tirsan Wasaaradda waxbarashada ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in shalay oo Salaasa ah weftigaasi ka amba-baxay Magaalada Hargeysa.



Xubno wasiirro ah oo uu ka mid yahay wasiirka Caafimaadka Dr, Saleban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa door weyn ka qaatay suurto gelinta Kaalmadan waxbarasho.



Gobanimonews



Hargeysa Office



Email: editor@gobanimonews.com