GNA_Chelsea ayaa la soo gabagabeeyay guulaheedii isku xigxigay ka dib markii ay guuldarro 2-0 ka soo gaartay kooxda Newcastle oo u awood sheegatay ka dib labo gool ay dhaliyeen qeybtii labaad ee ciyaarta.
Fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa heshay Chelsea markii kooner uu soo tuuray Mata uu madaxa la helay Terry, laakiin waxaa soo beenisay birta ka hor inta uusan fursada qasaarin Ivanovic oo kubadii ku celiska helay.
Kooxda martida loo ahaa ee Newcastle ayaana kubad fiican la ciyaartay Chelsea iyagoo cadaadis badan saarayay, laakiin labada kooxood midkoodna uma suurtogelin inay shabaqa soo taabtaan qeybtii hore.
Qeybtii labaad ayaase ciyaarta ay si aad ah isku bedeshay, waxaana qeybihii hore ay Newcastle la soo baxday carcar xoog leh, iyadoo Petr Cech oo fursado halis ah ka badbaadiyay Remy iyo Moussa Sissoko.
Daqiiqadii 64aad ayaa Petr Cech uu sidoo kale kubad halis aheyd ka beeniyay Yoan Gouffran, laakiin Gouffran ayaa hogaan ay u qalantay Newcastle u dhiibay seddex daqiiqo ka dib markii uu madax ku dhaliyay laad xor ah uu soo qaaday Yohan Cabaye.
Chelsea ayaana islamarkiiba damacday inay ciyaarta ku soo laabato iyagoo weraro qaaday, waxaana ay daqiiqadii 73aad ku andacoodeen rigoore markii kubad uu goolka la beegsaday Eto’o ay gacanta uga dhacday Mapou Yanga-Mbiwa laakiin ma aysan aheyn mid ku talogal ah sidaasi darteed garsooraha ayaa diiday cabashadooda.
Laakiin dadaalkii ay Chelsea ku dooneysay inay ku soo laabato ciyaarta ayaa noqday hal bacaad lagu lisay ka dib markii Loic Remy uu shabaqa ku hubsaday kubad uu u soo dhigay Anita, taasoo ciyaarta hurdo u dirtay, islamarkaana keentay jamaahiirta Chelsea ay bilaabaan inay isaga sii baxaan St James Park.
Tababare Jose Mourinho ayaana weli ku badin la’ horyaalka Premier League garoonkaan, iyadoo Newcastle guul ay u qalantay ka gaartay Chelsea, islamarkaana si wacan uga soo kabsatay guuldaradii ka soo gaartay kooxda ay xafiiltamaan ee Sunderland
Gobanimo-Sports