Sunday, November 3, 2013

Man United Oo U Awood Sheegatay Fulham & Man City Oo Todoba Goolal Ku Xasuuqday Norwich City


GNA-Manchester United ayaa ku sii socota wadada guusha ka dib markii ay 3-1 ugu awood sheegteen kooxda Fulham oo marti loogu ahaa Craven Cottage.




United ayaana ciyaarta si sahlan ku badisay, waxaana ay ku qaadatay inay hogaanka u qabtaan ciyaarta daqiiqadii 9aad markaasoo Valencia uu kubad sahlan shabaqa dhex dhigay ka dib baas uu ka helay Wayne Rooney.




Kooxda Shayaadiinta Cas Cas ayaana hogaanka sii dheereysatay daqiiqadii 20aad markaasoo xiddigooda No 20aad Robin van Persie uu dhaliyay goolkoodii 2aad ee ciyaarta, xiddiga reer Holland ayaa ka baxsaday tabinta offside-ka markii uu baas ka helay Adnan Januzaj, iyadoo goolhaye Maarten Stekelenburg uusan helin wax fursad ah.




Goolkaas uu dhaliyay RVP ayaana ka dhigeysa ciyaaryahanka abid ugu goolasha badan ee reer Holland ee horyaalka Premier League isagoo leh 128 gool, waxaana uu ka qaaday Jimmy Floyd Hasselbaink oo lahaa 127 gool. Waxaana uu kaalinta 10aad uga jiraa liiska gooldhaliyayaasha ugu sareeya abid horyaalka.




Labo daqiiqo ka dibna ciyaarta waxa ay aheyd 3-0, iyadoo United ay wax walba u fududaayeen, Rooney ayaana shabaqa ku taabtay baas uu ka helay Robin van Persie. Natiijadaas ayaa lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.




Fulham ayaana gool soo ceshatay daqiiqadii 62aad ee ciyaarta markii kubad uu tuuray Kacaniklic uu iska dhaliyay Wayne Rooney kaasoo u diiday wax fursad ah goolhaye De Gea oo mar kale ku guuldareystay inuu ku baxo isagoo shabaqiisa uu nadiif yahay.




Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay guusha ku raacday Man United kuwaasoo haatan leh 17 dhibcood islamarkaana seddex dhibcood kaliya ka danbeeya Chelsea.




Dhanka kale Manchester City ayaa jawaab culus ka bixisay guuldaradii ka soo gaartay isbuucii hore Chelsea iyagoo ku ciilbaxay islamarkaana 7-0 ku xasuuqday kooxda Norwich City oo marti ku aheyd Etihad Stadium.




Tababare Pellegrini ayaana ka dhabeeyay go’aankiisii ahaa inuu keyd geliyo Joe Hart kaasoo dhaawaanahan qaab ciyaareed liita soo bandhigay, waxaana kulankiisii ugu horeysay ee horyaalka helay Pantilimon, waxayna aheyd markii ugu horeysay uu Joe Hart ku soo bilaabanin kulan horyaal ah tan iyo 2010kii.





 
City ayaa waxa ay goolasha ku furatay gool uu iska dhaliyay Johnson balse uu si aad ah uga soo shaqeeyay Sergio Aguero daqiiqadii 16aad ee ciyaarta.




Afar daqiiqo ka dib City waxa ay sii dheereysatay hogaanka, Nasri ayaa kubad u dhiibay Aguero kaasoo isna quudiyay Silva oo isna ku hubsaday shabaqa.




25 daqiiqadood markii ay socotay ciyaarta waxa ay aheyd 3-0, markaasoo Sky Blue ay heshay goolkeedii seddexaad ee ciyaarta, kooner uu soo tuuray Nasri ayaa waxaa madax ku dhaliyay daafaca Nastasic inkastoo kubada ay ku dhacday Martin laakiin goolhayaha Norwich ayaa qalad ku lahaa goolkaas madaama uu qaban karay inkastoo kubada ay ku dhacday Martin.




Daqiiqadii 36aad ayaana City ay ciyaarta hurdo u dirtay waa iyadoo aysan qeybtii hore dhamaan, waxaana ay markaan heleen goolkoodii afaraad, Toure ayaa quudiyay Auguero kaasoo isna kubada u dhigay Negredo oo isna aan ka labalabeynin inuu shabaqa tiiriyo.




City ayaana halkeeda ka sii wadatay goolasha qeybtii labaad, markii ay ciyaarta saacad soocotay ayaa Yaya Toure uu shabaqa dhex dhigay laad xor cajiib ah isagoo wax fursad ah u diiday goolhaye Ruddy.




Sergio Aguero ayaana dhameystiray nus darsanka goolal ee Man City ay dhalisay, isagoo kubad fantastik ah dhaliyay ka dib caawin uu ka helay David Silva. Kun Aguero ayaana goolkaas kula dabaaldegay kulankiisii 100aad ee uu u saftay Man City tartamada oo dhan.




Dzeko ayaana ugu danbeyn soo qatimay xasuuqa Man City isagoo dhaliyay daqiiqadii 86aad goolkii 7aad ee Manchester City.




Waxaana ay ciyaarta ku dhamaatay Man City oo 7-0 kaga badisay Norwich City, iyagoo soo galay waxaana ay ku jiraan kaalinta 4aad iyagoo leh 19 dhibcood.




Waa markii ugu horeysay ee City ay 7-0 ku badiso heerka koowaad tan iyo markii ay 7-0 kaga badiyeen Burnley bishii December 1968.