GNA_Weeryahanka halyeeyga ah David Trezeguet ayaa aaminsan inuu gaaray heer aad u muhim ah ka dib markii labo gool uu u dhaliyay ooxda Newell’s Old Boys taasoo ka dhigtay inuu dhaliyay 301 gool oo rasmi ah.
36 jirkaan ayaa dhaliyay labo gool qeybtii labaad iyagoo ka caawiyay inay kooxdiisa ka soo kabsato 2-0 oo hogaanka looga hayay islamaraana barbaro 2-2 ku qabato Colon.
Inkastoo xiddigaan ku guuleystay Koobka Adduunka uu ka xumaa inuusan guusha u sahlin kooxdiisa, hadana waxa uu qirtay in gooldhalintiisa shaqsiyadeed inaysan aheyn wax yar.
“Maanta waxaan gaaray wax aad uga muhim ah mustaqbalkeyga ciyaareed” ayuu Trezegol sheegay Futbol Para Todos.
“Waa tiro muhim u ah mustaqbalka ciyaaryahan kasta. 300 gool ma ahan wax sahlan. Waa wax laga xumaado ma aanan badinin, laakiin waan faraxsanahay.”