GNA-_Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta safar shaqo ugu kicitimay magaalladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, kaasi oo ay u jeedadiisu ahayd sidii uu madaxwaynuhu tababar ugu soo xidhi lahaa ccutubyo ka tirsan ciidamada Badaha Somaliland oo ay tababar ku siiyeen Berbera ciidamo ka tirsan kuwa dalka Ingiriiska.
Madaxwaynaha iyo weftiga uu hogaaminayo oo saaka diyaarad ka raacay magaaladda Hargaysa ayaa markii ay ka degeen madaarka diyaaradaha ee magaaladda Berbera waxa halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiinta gobolka Saaxil iyo dadwayne kale oo aad u tiro badan.
Weftigan balaadhan ee uu hogaaminayo madaxwaynaha Somaliland ayaa ka hor intii aanay u kicitimin dhinaca badda ee uu ciidamada tababarka ugu soo xidhayay, waxa ay kormeer ku soo mareen xaafadihii ay waxyeelada u gasyteen roobabkii maalmihii la soo dhaafay ka da’ayay dalka.
Waxaana ka mid ahayd xaafadaha ay madaxwaynaha iyo weftigiisu kormeerka ku soo mareen xaafada loo yaqaano Barqo San oo ku taala dhinaca koonfureed ee magaaladda Berbera, xaafadaasi oo ka mid ahayd meelaha ay si aadka ah khasaaraha balaadhan ugu gaysteen roobabku, taasi oo ay roobabaku guryo badan ka dumiyeen.
Sidoo kale waxa ka mdi ahayd meelaha uu kormeerka ku soo maraya madaxwaynuhu Dugsiga sare ee Bursade oo ay degan yihiin dad gaadhaya ilaa 5 boqol oo qoys oo ku barakacay roobabka,kuwaasi oo isugu jira qaar ay roobabku guryohoodii dumiyeen iyo kuwo ay biyo ka buuxiyeen.iyada oo ay halkaasi madaxwaynaha warbixino la xidhiidha khasaaraha ay roobabku u gaysteen ku siiyeen maamulka gobolka iyo ka degmadda Berbera. waxaanay masuuliyiintu uga warameen madaxwaynaha sidii ay ugu gurmadeen dadkaasi iyo weliba sida ay ugu baahan yihiin gargaar kale.
Madaxwayne Siilaanyo oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay xukuumadu gacan ka gaysan doonto sidii dadkaasi wax loogu qaban lahaa, waxaanu balan qaaday in ay dawladu diyaar u tahay in ay caawiso guud ahaanba dadka ku nool Somaliland ee ay waxyeelada u gaysteen roobabku gaar ahaana kuwa ku nool degmada Berbera.
Gobanimonews.com
Hargeysa-Somaliland-Office