Boorame (GNA)-Badhasaabka gobolka Awdal Cabdoo Axmed Maxamed Aayar ayaa maanta ka hadlay khasaaraha ka dhashay roobabkii ugu dambeeyay ee ka da’ay gobolka Awdal, waxana uu shirkiisaasi jaraa’id ku sheegay in saxaafadu ay ka degdegtay markii ay dhaliileen ka hadl la’aanta maamulka gobolka ee qasaarahan roobabka, balse sedexdii maalmood ee u dambaysay ay dadaal dheeri ah u galeen sidii ay u soo ururin lahaayeen xogta ku aadan qasaaraha roobabkaasi maantana ay diyaar u yihiin in xog buuxda oo koobsanaysa khasaarahaasi ay hordhigayaan cid walba oo ay khusayso.
Badhasaabku waxa sheegay in degaanka Cali Xaydh ee degmada Baki ay roobabku dhimasho ka gaysteen waxana uu yidhi “Calixaydh waxa ay ka mid tahay meelaha ugu balaadhan ee ay qasaaraha roobabku ka gaysteen, waxa degaankaasi ku dhintay hal qof, waxana sidoo kale u dhaawacmay laba qof oo kale, sidoo kale waxa ay dabaylaha roobabkaasi la socday burburiyeen guryo isugu jira daaro, girgido, cariishyo iyo buulal kale oo ay tiradoodu dhan tahay 112 guri, kuwaas oo dadkii deganaa ay maantaba yihiin kuwo banaan yaal ah oo aan haysan hoy ay galaan oo ay cadceeda iyo roobka ka dugsadaan”
Meelaha kale ee ugu badan ee qasaarahu gaadhay waa degmada Lughaya, gaar ahaan degaanda, qasaaraha ugu Garaaca, Laan Cawaale, Cabdigeedi, Reega Kalawle Adhicadays, Hayta, Cabdigeedi Fuguxo, Ceelsheekh Iyo Lughaya, deegamadaas waxa qasaare nafeed ah oo jiraa ma jirto balse waxa ugu badan ee ku Le’day waa xoolahii, tirakoobkaasi u dambeeyay ee aan samaysnay waxa uu sheegayaa in Adhiga ku le’day uu dhan yahay 11 kun iyo laba boqol oo neef, halka geela ay roobabkaasi dileen uu kor u dhaafayo 400 oo neef, waxana intan dheer oo jira barakac balaadhan oo dadka ah, mar hadii ay ka dumeen guryihii ay degenaayeen” ayuu yidhi badhasaab Cabdoo
Badhasaabku waxa kale oo uu qaylo dhaan ka diray masiibadan waxana uu yidhi “Waxa aan ugu baaqayaa xukuumada, hayada Nerad, hayadaha caalamiga ah iyo dhamaan ganacsatada gobolka Awdal inay gargaar la soo gaadhaan dadkaasi oo ay ka damqadaan dhibaatada soo gaadhay isla markaana la dareemaan xanuunka ay dareemayaan, waxaan mar kale ku celinayaa in loo baahan yahay gurmad degdeg ah oo lala gaadho dadkaasi kala duwan eek u xoola waayay masiibooyinkan ama ku barakacay”
Ugu dambayntii waxa uu badhasaab Cabdoo tacsi u diray qoyskii marxuunkii ku naf waayay masiibooyinkan dabiiciga ah ee ka dhacay gobolka, waxana uu Eebe uga baryay inuu janadii Farduusa ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo
Wariye Mustafe Caraale
Gobanimo news.com
Borama/somaliland