Sunday, November 10, 2013

Muqdisho: Askari Baalashle Toogtay oo la xidhay


Muqdisho(GNA)-Askari ka tirsan ciidamada dowlada Somalia ayaa maanta nawaaxiga Km-5 (Zoope) ee magaalada Muqdisho ku toogtay wiil yar oo ka mid ah dhalinyarada ka shaqaysata Baalashka




Warbaahinta goob joogayaal ka soo xigatay in askarigan uu si ula kac ah rasaas ugu furay wiilkan, ka dib markii muran dhex maray.




Maydka Wiilka yar ayaa saaxiibeyaashii gaadhi gacan halkaasi kaga qaadeen iyagoo geeyey xarunta dembi baarista CID oo halkaas ku dhoweyd.




Dhalinyarada Xoogsatada ah ee Wiilkan yar la socday ayaa la sheegay inay cabasho ka hor dhigeen Xarunta C.I.D-da markii ay maydka geeyeen.




Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ee xaruntaas ku sugnaa ay xabsiga dhigeen dhalintaasi dibed baxa cabashada ah sameynayey inkastoo markii dambe la sheegay in  la sii daayey.




Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Askariga Dilka geystay bilaysku soo qabteen .




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka Muqdisho oo falkan la xidhiidha.




Dilalka ay geystaan Ciidamada amnigu ayaa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho, waxaana hore u jiray dilal noocan ah oo ay fuliyeen askar kuwa dawladda ka tirsan.




Maxkamadda Ciidamada ayaa bilihii ugu dambeeyay tiro Askar ah ku riday xukuno dil ah, ka dib markii ay dad shacab ah badheedh toogasho ugu dileen.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com