Waxa la soo bandhigay muuqaalka Nin Soomaali ah oo magaciisa la odhan jirey Axmed Dirir oo 59 sano jir,kaasoo la sheegay inuu qudha ka jaray Saddex qof oo shaqaale uga ahaa Xarun Caafimaad oo uu ku lahaa magaalada St. Louis, Missouri 13 bishii june ee sanadkan.
Ninkan ayaa la sheegay in markii dadkaasi laayay isna isdilay, sida ay baahiyeen warbaahinta Maraykanku, iyadoo muuqaal laga diyaariyay falkaasi uu baahiyay Telefishanka Fox ee Maraykanku.
Saddex qof ee uu laayay ayaa laba ka mid ah oo midkood dumar tahay ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan Somali.
Hadabada Daawo sida uu falkaasi u dhacay.