Marka uu qof walba maqlo magaca haween waxa uu dareemi karaa waynaanta sharafta uu leeyahyaymagacani.
haweenka waxay bulsho kasta ka agteeda ku laayihin mudnaan gaar ah hada ay noqoto bulshda dhexdeeda,waxa uu magacaasi agtooda ku yahay mid meel wayn kaga yaala.
Hadaba haweenku door mug leh ayay ka ciyaaraan dhinaca horumarinta dhaqaalaha tiknoolajiyada gees kasta oo ay noqoto.
Waxaanay haweenku daadaal xoogaan ugu jiraan horumarinta bulshada qaybaheeda kala duwan.
hadaba akhriste waxaynu qormadan ku eegi doona kaalin inte le`eg ayaa ay haweenku ku leeyihin dhinaca suugaanta?
Marka la egaayo suugaanta waxa ka mid ah hal abuurnimada, heesaaga i.w.m.
haweenka ayaa iyaguu kalin mug leh ka qaaata dhinaca suugaanta,Taas oo haweenku ay beerrigi hore tiring jireen buraan-burka oo ay inta badan ku caan ahayeen, balse waxa wakhtiyadan dambe la dareemayaa haweenka oo si weyn uga dhex muuqda dhinaca faanka iyo hal abuurnimada, iyadoo la arko Dumar aad u da` yar oo hal abuaraya suugaan dhinaco badan taabanaysa, sida heesaha, Gabayada, Maansooyinka iyo wixii la hal maalaa.
hadaba waxa mid lagu farxo ah in haweenku ay ka dhex muuqdaan suugaanta oo noqonaysa dariiq lagu farxoo hadii aynu dib ugu yara noqono heerka uu taagna suugaanta haweenka ayaa isagu ahaa boqolkiib midh kaas oo ayna aad uga badnayn taasoo macnaheeduna uu yahay tayada aqooneed ee haweenka oo koru u soo kacaysa, maxaa yeelay? haweenku run ahaanti waxaa ay bulshada dhexdeeda ka yihiin kuwo lagam maarmaan ah.
Haweenka iyo suugaanta oo aad iskugu dhow sandahan dambe ayaa waxaa lagu tilmaami karaa in ay tahya guul cad oo ay gaadheen haweenku, maxaa yeelay haweenka ayaa iyagu kula tartama ragga dhinaca kasta oo horumarka aadamaha ku saabsan.
taasin waa ta kaliya ee inaga dhigaysaa bulsho dhamystiran oo ka dhisan dhinac walba,maxas yeelaay ? suugaanta ayaa iyadu uu gaar ah wadan kasta ama qawmiyad walba.
Sidaasi darteed si ay u gaadhaan haweenku hamigooda waxaa haboon inaynu marwalba la garab istago oo laga taageerro wax kasta oo ay u baahanyihiin, haday noqoto o dhaqaalaha ama gees kale.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com