(GNA)Tababaraha kooxda Manchester United David Moyes, ayaa sheegay in Javier Hernandez uu muhiim u yahay joogitaanka kooxda, isagoo cadeeyay in weerar yahanka reer Mexico uu ciyaari doono kulamada xilli ciyaareedkan ka dhiman.
Hernanez ayaa laga arkayey in uu ka muuqdo oo kaliya kursiga keyda bilawgii xilli ciyaareedkanbalse ciyaarihii uu u saftay naadiga ayaa waxa uu u dhaliyay 4 gool 8 ciyaarood oo uu saftay waxana ku jira sadax gool uu dhaliyay labadii kulan ee u danbeysay.
Tababre Moyes ayaa u doortay weerarka kooxdiisa in ay ka ciyaaraan Robin van Persie iyo Wayne Rooney, laakiin waxaa uu diiday sida ay wararku sheegayaan in Hernandez uu United ka tagi doono mustaqbalka dhaw.
Mar uu la hadlay tababare Moyes UEFA.com waxa uu yidhi: “Waan u baahanahay Javier. Waa ciyaartoy noo wanaagsan anaga. Waxa uu dhaliyay goolal badan sanadadii la soo dhaafay wuuna sii wadi doonaa goolal dhalintiisa anaguna waan sii wadeynaa in aan ciyaarsiino”.
“Waxa uu dhaliyay labo gool kulankii Norwich City ee League Cup waxaan si weyn u rajeynayaa in uu sidasi sii wado”.
25 jirkan ayaa rajeynaya in caawa loo yeero kulanka Champions League ay gobolka Basque kula dheeli doonaan kooxda reer Spain ee Real Sociedad.