Monday, November 11, 2013

Man united oo 0-1 ugu awood sheegatay Arsenal.


Manchester united ayaa ku durdurisay Arsenal  ka dib markii ay kaga badisay  1-0 ciyaar xiiso laheyd oo ka dhacday Old Trafford, iyadoo Red Devils ay u soo kacday kaalinta shanaad ee kala sareynta horyaalka.




 




Labada tababare ayaa isbedelo qaar ku sameeyay shaxdooda ay ku soo galeen ciyaarta, iyadoo David Moyes uu sameeyay seddex bedel isagoo ku soo bilaabay Smalling, Carrick iyo Kagawa kuwaasoo bedelay Rafael, Cleverley iyo Januzaj.




 




Halka tababare Arsene Wenger ay xumad kaga maqnaayeen Mertesacker iyo Rosicky iyadoo boosaskooda ay soo galeen Vermaelen iyo Flamini.




 




Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa aheyd mid aan fursado halis ah oo badan la abuurin, laakiin Man United ayaa ku bilaabatay si aad u wacan ilaa iyo intii ay ka qabteen hogaanka ciyaarta daqiiqadii 27aad.




 




Kooner uu soo tuuray Wayne Rooney ayaa waxaa madax ku dhaliyay Robin van Persie kaasoo si aan caadi aheyn u dabaaldegay inkastoo uu hore u sheegay inuusan dabaaldegi doonin haddii uu gool ka dhaliyo kooxdiisii hore.




Van Persie ayaana shabaqa soo taabtay shantii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay iska horyimaadeen labadan kooxood, labo kulan oo uu Arsenal u ciyaarayay iyo seddex kulan oo Man United ah.




 




RVP ayaa sidoo kale sannadkan 2013 dhaliyay 19 gool, waxaana uu hal gool ka sareeyaa ciyaartoyda Suarez, Sturridge iyo Benteke oo iyagana sannadkan 2013 dhaliyay 18 gool.




 




Arsenal ayaana goolkaas ka dib la wareegtay maareynta ciyaarta laakiin ma aysan helin goolkii ay u baahnaayeen, iyagoo sidoo kale ka badbaaday in rigoore laga dhigo markii Rooney uu ku andacooday rigoore ka dib qalad uu kala kulmay Giroud.




 




Waxaana qeybtii hore ay ku soo dhamaatay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay Man United, iyadoo dhamaadkii qeybta hore uu dhaawac ku baxay Vidic ka dib markii ay isku dhaceen goolhaye De Gea.