Muqdisho(GNA)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa fariin qaylo-dhaan ah ka soo saaray waxyeelada Fatahaada Wabiga Shabeele.
Xasan Sheikh Maxamuud ayaa booqasho kedis ah oo uu Hawada ku maray ku tegay Magaalada Jowhar, waxaanu halkaasi kulan kula yeeshay qaybaha Bulshada Gobolka.
Diyaarad Helicopter ah ayuu u raacay Halkaasi si uu u qiimeeyo Khasaaraha uu geystay fatahaada Webiga Shabeele, iyo inuu u muujiyo shacabka taageridda Dowladda.
“Waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan dal ama dibad in ay si deg deg ah uga soo gaaran wallaalahooda dhibaateysan.” Saa waxaa yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
“ Sidoo kale waxaan ka codsanayaa in kaalmo deg deg ah ay la soo gaaraan degaanadda ay mucjisadan qabsatay. Xiliyadda adag oo ay jiraan dhibaatooyinka waa in aan is garab istaagnaa oo aan hal meel uga soo wada jeesano anaga oo hal umad ah.”
Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyay Xildhibaano, Wasiiro, Gudomiyaha Gobolka Shabeeladda Dhexe, Hay’ada Bisha Cas ee Turkiga, Hay’adda Gargaarka ee Qatar, Masuuliyiin ka socday Isu taga Imaraadka Carabta, iyo Somali Chamber of Commerce.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com