Saylac-(GNA)Golaha degaanka ee Degmada Saylac ayaa maanta cambaareeyay xadhiga laba muwaadin oo reer Somaliland ah oo ganacsato ah, kaasi oo ay maanta ciidamada Djibouti ku xidheen magaalada Lawyacado ee dhinaca Djibouti, kuna tilmaamay xadhigan mid xadgudub ku ah muwaadinka reer Somaliland iyo isku socodka ganacsiga ee xadka Somaliland iyo Djibouti labadiisa dhinac.Gudoomiye ku xigeenka golaha degaanka ee degmada Saylac Mudane Sacad Daahir Cige oo shabakada kula soo xidhiidhay khadka taleefanka ayaa u xaqiijiyay xadhigan isla markaana cambaareeyay falkan, waxana uu yidhi “Waxa ay ciidamada Djibouti maanta tobankii subaxnimo ku xidheen magaalada Lawyacado Maxamed Cali Muumin (Awliyo) iyo Aamino Caynaanshe oo labaduba ah ganacsato reer Somaliland ah oo ganacsiyo ku leh magaalada Lawyacado dhinaceeda Somaliland, ilaa hada ma naqaan waxa sababay xadhigay, mana ahayn talaabo la ogaysiiyay laamaha amniga ee Somaliland, sidaas aawadeed waxa aan cambaaraynaynaa falkan ugubka ah ee xad gudubka ku ah muwaadiniinta reer Somaliland, waxana aan ogaysiinaynaa Wasaarada Arimaha Gudaha ee Somaliland waxa dhacay, waxana aan ugu baaqaynaa inay wax ka qabato arintan oo muwaadiniintan loo soo celiyo xoriyadoodii”
Goobjoogayaal ku sugan Magaalada Lawyacado oo ay shabakadu la xidhiidhay isla arkaana wax ka waydiisay falkan ayaa yidhi “Maanta tobankii subaxnimo ayuu Labaalaha ciidanka Djibouti la soo hadlay ganacsatadan, kana dalbaday inay u yimaadaan, iyaga oo marka horba ahaa muwaadiniin si fudud uga kala goosha xadka, markii ay tageen halkaas ayaa lagu war galiyay inay xidhan yihiin, waxana ka daba tagay odayaal iyo taliyaha rugta booliska ee Lawyacado iyo xildhibaano kale, wax walba oo dadaal ah oo ay sameeyeena ma midho dhalin, waxana uu labaalihii muwaadiniintan u yeedhay ku soo yidhi “Waxa ay u xidhinan yihiin madax aniga iga saraysa, mana aqaan sababta”
Gobanimo news.com
Borama office