Wednesday, November 6, 2013

Wasiir Samaale ma Go’aamadii Gar-adag ayuu ku jiray? By: Mustafe sh. Abi-bakar


ninbaa laga sheegayey cimrigaaga oo raagaa geel dhalayna wuu ku tusaa,waxaynu warbaahinta qaarkeed ku arkaynaa dadaalo ay wadaan hogaamiye dhaqameedyo ka soo jeeda bariga burco,taasi ooy madaxweynaha kulan ay la qaateen ku qanciyey in ka joojiyo taageerada uu u hayo wasiirkiisa maaliyadda, islamarkaasna ay odayaashu u soo jeediyeen in madaxweynaha in uu wasiirkiisa maaliyadda kala dooransiiyo in uu wasiirnimaddiisa haysto iyo in uu ka tanaasulo oo uu u tartamo guddoomiyaha xisbiga kulmiye.




intaa kadib waxa la sheegayaa in MADAXWEYNUHU ka aqbalay odayada codsigoodii balse isaguna ka codsaday odayada in ay u tagaan wasiir samaale oo ay u sheegaan in kala doorto labada xil,horta waa arin bulshada somaliland ugub ku ah in madaxweynihii dalku uu odayaal dhaqmeed beeshiisa ka soo jeeda u diro xubin golihiisa wasiiradda ka mid ah oo waliba beelkale ka soo jeeda in uu xilkiisa ka tanaasulo,isagoo madaxweynuhu awood u leh magacaabista golaha wasiirada iyo xilka qaadistoodaba,hadaba arintan ayey ku tilmaameen dadka wax faaleeyaa in ay tahay laba midkood in uu uga jeedey madaxweynuhu waa ta kowaade in uu odayada uun ku qancinayey oo ay tahay farsamooyinkiisii qaaxaad oo ay wasiirkiisana ay is ogyihiin oo sidii hore aaney waxba iska beddalin,arinta labaad oo iyana meesha ku jirta in go´aanadii shirkii beeshu ku yeelatay GARADAG uu ka mid ahaa SH C/CASIIS in uu ahaado kusimaha musharaxa madaxweynaha inta laga gaadhayo doorashada dambe,balse ay islaqaateen MADAXWENAHA IYO ODAYAASHIISA dhaqanku in ay qodobkaasi kaabis iyo waxka bedal ku sameeyaan sheekhana marka hore ay odayadu ku wargaliyaan in xeerkii gar adag ee dhigayey in muj muuse biixi laga taqaluso meesha laga saarey,si kasta ha ahaatee waxad moodaa in ay arimahani ka hor imanayaan nidaamka dawliga ah iyadoo aanay maanta jirin beel habar awala oo odayadoodii lagala xaajoonayo ka sii mid ahaanshaha xisbiga kulmiye iyadoo aan ognahay in ay beesha muuse iyo c/casiis ka soo jeedaan ay go´an cad ka qaadatay in aaney dib u taageerin xisbiga kulmiye,hadaba waxad moodaa in ay isku qasmayaan mabaa´diidii dawladnimo ee aynu dhiganay iyo xeerka beesha madaxweynaha ee lagu go´aamiyey shirkii GAR ADAG waxa taasi daliil cad u ah hadalkii ka soo yeedhay GUDDOOMIYAHA GUURTIDA ee uu waxba kama jiraan ku tilmaamay shirweynaha qaran ee ay ku dhawaaqeen xisbiyada qaranku oo ah mid dastuurku uu dhigayo,balse saleebaan uu la soo baxay qadabka 4aad faqraddiisa D oo uu macnihiisu ahaa inSALEEBAAN AADAN ku taageero SIILAANYO waxkasta oon diinta islaamka ka hor imanayn muddada beeshu xilka hayso,si kastaba ha ahaatee waxay arintani soo noolaynaysaa dareenadii qabyaaladda oo inagu keeni kara dib u noqosho iyo jahawareer guntii iyo gabagabadii waxa aynu ka dhulsugi doonaa sida ay wax iskaga bedalaan marka uu soo noqdo WASIIRKA MADAXTOOYADU oo ay dadbadani aaminsanyihiin in madaxtooyadaa loo soo daatay ee aanay arimuhu sidan ahaanayn




 




WABILLAAHI TAWFIIQ




 




BY MUSTAFA SH ABIBAKER HUSSIEN TOGWAJAALE