(GNA) Iyadoo ay dadkoo dhami ay dareemaan qabowga ama ay dhaxamoodaan ayaa daraasad cusub ay sheegtay in dumarku ka dhaxan badan yihiin Ragga, Dumarka ayaa jidhkoodu uu kaydsadaa ama uu ku jiraa Dufan ama xaydh ka badan inta ku jirta Jidhka Ragga hadana waxa daraasadan lagu sheegay inay dumarku yihiin qaar aad u qadh qadha marka loo Eego Ragga,
Daraasadan ayaa sheegtay in Dufanka ku jirra jidhka qofku uu ka difaaco qabowga. Hadaba iyada oo ay taasi jirto ayaa lagu fasiray sida ay ku timi in dumarka oo jidhkooda ay ku jiraan dufan badan hadana ay ka dhaxan badan yihiin Ragga,
Daraasada ayaa sheegtay iyada oo fasiraysa arintaa in dufanka ku jirra jidhka dumarku uu ku Urursan yahay meel gooni ah oo jidhka ka mida iyadoo taasi keento in jidhka intii kale uu waayo dufankii loo baahnaa inuu ka difaaco dhaxanta. Taasina ay keento inay dumarku aad u dhaxamoodaan,
Daraasada ayaa sheegtay in Dufanka ku jira jidhka Ragga uu ku Filqsan yahay ama ku baahsan yahay jidhka oo dhan taasina ay keento inuu ka difaaco dhaxanta ama uu hello qeyb kasta oo kamida jidhka Raggu dufankii uu u baahnaa inuu ka difaaco dhaxanta,
Daraasadan oo ay sameysay jaamacada Yale University ayaa sheegtay Sabab kalle oo dadku u kalla dhaxan badan yihiin iyaga oo ku sameeyey tijaabo dad badan oo mutadawaciin ah, Khubarada arintan baadhaysay ayaa sheegay inay dadkaa qaar kamida ay siiyeen Koob Qaxwe ah halka Kuwii kallena ay ka siiyeen Sharaab qabow, Khubaradan ayaa sheegay in dadkii ay siiyeen koobka qaxwaha ah ay ka fir fircoonaayeen isla maarkaana ay ka dhaxan yaraayeen kuwii la siiyay sharaabka qabow,
Culimadan ayaa guud ahaan ku sheegay daraasadan in kastoo loo baahan yahay qiyaas go,an oo dufan ah oo ku jirta jidhka hadana in dufankaa badan uu keeno inuu xayiro ama carqaladeeyo xubnihii jidhka ee loo baahnaa inay dhaliyaan kulaylka uu qofku isaga difaacayo dhaxanta ama qabowga,
Diyaariye;C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com