(GNA) Hadaba Guud ahaan haweenka waxa ku adag inay fahmaan dabeecadaha ragga qaarkood, balse daraasada cusub oo ay sameeyeen khubaro ka tirsan qaybta caafimaadka Jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka, ayaa lagu iftiimiyey in dumarku aad ugu farxaan markay arkaan lammaanahooda oo isku dayaya inuu fahmo hadba xaaladda ay ku sugan tahay xiligaas,
Lakin Ragga isku daya inay ogaadaan waxyaabaha keena in lammaanahoodu murugoodo waxay arrintaasi u saamaxdaa in haweenku qalbigooda u furaan, aaminaana inuu jecel yahay oo uu nolosheeda dan ka leeyahay, waana mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan oo ay raga dumarka kuso jiitaan,islamarkaane gabadhu ku qiimayso ninka nolosha la wadaagayso sida daraasada lagu xaqiijiyey,
Ha ahaatee Waa arrin u gaar ah in haweenku ku eegaan labka habka uu uga murugoodo dhibta la soo darista, waxaanay arrintaasi keentaa in qalbiga dumarku caaddifad ahaan u dabcaan qofka ay ka dareemaan inuu danaynaayo amma u soo jeedo sidii uu wax uga ogaan lahaa xaaladeeda Sidaa waxa lagu yidhi war-murtiyeed ay soo saartay Mrs. Shiri Cohen oo ka tirsan khubarada cilmi-baadhistan diyaariyey oo ka socda Jaamacadda Harvard Medical School ee dalka mareykanka,
Khabiirada oo cilmi-baadhistoodan ka qaaday 156 lammaane oo 102 ka mid ah ahaayeen dhallinyaro iyo 54 dad waayeel ah, dhammaantoodna xaaslay ah, kuwaasoo 71% ka soo jeeda bulshada midabka jidhkoodu cad yahay, waxaanay celcelis ahaan wada noolaayeen lammaane kasta saddex sanno iyo afar sano oo ay is qabeen ama saxiibo isku dhaw ay ahaayeen,
Hadaba Dadka daraasaddan ka qaybgalay waxa la waydiinayey in ay faallo ka bixiyaan murannada dhexmara lammaanahooda, halka cilmi-badhayaashuna duubayeen doodahooda, gaar ahaan kuwa togan, kadibna dib baa loo shidayey codadka laga qaaday, sidoo kalena xog-ururin ku saabsan dareenkooda ayaa laga sameeyey intii lagu guda jiray cilmi baarista,
Ugu danbeeyntii Natiijada ka soo baxday sahamintaasi waxay noqotay in ragga fahma in xaaskoodu cadhaysan tahay amma murugaysan tahay in xidhiidhka lammaanahaasi yahay mid isku qanacsan oo afadiisu u uur-nugushahay, halka ninka aan fahmin xaaladdaas uu la kulmo buuq iyo qaylo joogto ah xiliyada qaar
Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com