Maansadani waxay soo baxday 30-11-2007, waxa curiyay hal-abuur da’yar oo degen Gobolka Togdheer, khaasatan Magaalada Burco.
Hal-buurkan oo magaciisa la yidhaahdo Abwaan Cali Mohamed Ibraahin (Cali dhanaaniye), waxa uu kaga hadlayaa arrimo jaceyl oo dhex maray isaga iyo Gabadh uu magaceeda ku sheegay Hodan.
Waxaanu isagoo sharaxaya Maansadan iyo siday ku curatay yidhi “Maansadi waa maansadii labaad ee aan u tiriyo gabdhaa Hodan ee uu na dhex maray jacaylka ba;an ee aan u tiriyey tixdayda hore, waana maanso aan ku cabirayey wejigii labaad ee jacaylkii gabdhaas oo markii ay arintu meel fiican oo maraysay calafku nakala weeciyey oo ninkii Rabi u qoray dunta loogu xidhay, aniga iyo jacaylkeediina aanu dabaylaha dhexe haab-haabanay, isla markii ay wax waliba cakir meen ee aan arkay inay hodan haldhaa I waydaaratay Ayaan gobanimadda ka raacay oo aan heestan ku nabadgelyeeyey, waxayna ku bilaabmaysaa sidan.
Hodan aragtidaadii
Ayaa lay haleeloo
Haniyaha wadnaha iyo
Hagayaasha dhiigiyo
Halbawlaha adaa degey
Haasaawiyo jacaylkii
Himiladii naftaydiyo
Hamuumkiyo dareenkii
Halkii aan ku taamayey
Marka lay hor keenaan
Hamiyaa in badanoo
Hurdo seexan waayaa
Hodaney naftaydii
Halisbay ku sugan tahay
Hawlihii aduunkaa
Dhan kaygii ku hooroo
Halkaa aad kunaashaan
Habeenkiiyo dharaartii
Soo haybin jirayoo
Hamigaygu joogaa
Barashadeenii hore iyo
Sheekadii hufnaydiyo
Hadalkii macaanaa
Haasaawihiyo jacaylkii
Himiladaii naftaydiyo
Hamuunkiiyo dareenkii
Halkii aan ku taamayey
Marka lay hor keenaan
Hamiyaa in badanoo
Hurdo seexan waayaa
Hodaney hubaashii
Waan kuu Han weynaa
Markaan helay warkaagii
Mudan hawl jacayliyo
Hadimiyo dhibaatiyo
Hiifayey naftaydoo
Asaagay ka hadhayoo
Hiigsan waayey khayrkay
Hasaawihiyo jacaylkii
Hadalkii dhexdeeniyo
Himiladii naftaydiyo
Hamuunkiyo dareenkii
Halkii aan ku taamayey
Marka lay horkeenaan
Hamiyaa in badanoo
Hurdo seexan waayaa
Hodaney haldhaayeey
Hormuudkii haweenkaay
Hablo taan ka doortaay
Hanaankaaga socodkiyo
Hugaagan dhalaalkaa
Hidiheena quruxda leh
Dhaqankeena hodan kaa
Weligaa hasiideyn
Hasaawihiiyo jacaylkii
Hadalkii macaanaa
Himiladii naftaydiyo
Hamuunkiiyo dareenkii
Halkii aan ku taamayey
Marka lay horkeenaan
Hamiyaa in badanoo
Hurdo seexan waayaa
Hodaney haldhaayeey
Heegiyo daruureey
Hadii aad nasiibkaa
Ka heshay aduunyada
Ku habaari maayee
Nabsigaygu kuma helo
Hanbaliyo iyo salaan ban
Hadyad kaaga dhigayaa
Aniguna halkaagii
Hibo eebe keeniyo
Meel baadku hawroo
Jawiguna haboon yahay
Hareertaad jaleecdaba
Haro wada gingimanoo
Toonkiiyo hohobtii
Shinbiruhu ka haageen
Bedelkaagii waan heli
Hodaney aduunkiyo
Ifka hibo ku noolow
Aakhirana halkii roon
Hal hays kaygu wuxuu yahay
Hasaawihiiyo jacaylkii
Hadalkii dhexdeeniyo
Himiladii naftaydiyo
Hamuunkiyo dareenkii
Halkii aan ku taamayey
Marka lay horkeenaan
Hamiyaa in badanoo
Hurdo seexan waayaa.