Tuesday, November 5, 2013

London: Barclays oo lagaga Guulaystay xidhista Buug-xisaabeedka Xawaaladaha Dahabshiil iyo Go’aanka Maxkamadda sare


London(GNA)-Maxkamadda Sare ku taala  Magaaladda London ayaa go’aan ka soo saartay dacwadda ka dhexeysay Baniga Barclays iyo Shirkadda Dahabshiil, taasoo ku saabsan xidhida Buug-xisaabeedyada Shirkadaasi uga furan Bangiga.




Maxkamadda ayaa go’aamisay inaan Dahabshiil laga xidhi Karin Acounts-yada bangiga uga furan ilaa go’aan dambe oo ka soo baxa dacwad Maxkamaddi qaado oo Cadaalad ku salaysan.




Garsooraha Maxkamadda ayaa ku dhawaaqay inay labada dhinac ku kala baxaan maxkamadda wixii intaasi ka horeeyana dahabshiil sii wadanayso hawsheeda dirista lacagta, waxaana go’aankaasi soo dhaweeyay labada dhinac ee shirkadda iyo Bangiga Barclays.




Bangiga Barclays oo ka mid ah Bangiyada ugu waaweyn dalka ingiriiska ee Xawaaladaha lacagaha u diri jiray ayaa bishii June ku dhawaaqay inuu xidhayo buug-xisaabeedyada uga furan in ka badan 250 Xawaaladood oo caalamka oo dhan laga leeyahay.




Xawaaladaasi waxa ugu badan kuwo ay leeyihiin dadka somalida ah.




Talaabada Bangiga ayaa saameynaysa Bulshada somalida ah ee ay Eheladoodu Masaariifta uga soo diraan Dalka Uk, waxaanay shirkadda dahabshiil hada dalbatay in bisha December la qabto shir lagu maamulayo Dacwaddan.




Gobanimonews




London Office




Email:editor@gobanimonews.com