Tuesday, November 5, 2013

Wasiir Waran-cadde: Xisbiyadda Mucaaridku ma qaban karaan Shir-weyne Qaran"shir-jaraa'id


Hargeysa(GNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde ayaa ku gacan-saydhay qabashada shir qaran oo aan Ogolaanshiyo looga haysan wasaarrada arrimaha Gudaha.




Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland, ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay ku dhawaaqay inay bisha December 10-da qaban doonaan shir ay ku sheegeen dood qaran oo lagaga arinsanayo aayaha siyaasadeed ee waddanka, shirkaasoo ay hindiseen Madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranku, ka dibna ay ku soo wareejiyeen xisbiyada qaranka qabashadiisa.




Shirjaara’id oo uu goor dhaweyd ku qabtay Xafiiskiisa wasiirka arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, waxa uu ku sheegay inaanay dawladdu ogolaanayn in la qabto shir aan fasax looga qaadan Hay’adaha amniga dalka.




Cali Maxamed Warancade oo Arrimhaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “runtii Xisbiyadu waxa ay naga mudan yihiin qadarin, waxaase meesha yaala sharci ay umadani dhigatay oo lagaga hortagayo in anaanay iman wax is qabqabsiya ama muran ah, taasoo ay tahay inay cid waliba ixtiraamto.




  haya’daha qaranku waxa ay kala leeyahiin awoodo iyo shaqooyin u kala qeexan oo distuuri ah, Haddii la yidhado Shir Qaran ayaa la qabanayaa cidda kali ah ee Umadani doortay ee awooda u leh waa madaxweynaha Dalka, oo waliba ah marka ay yimaadan  dhibaatoyin u baahan in laga wadatashado dhammaan Qaranka Somaliland yar iyo weynba, taasina dalkeenu waxaa uu ku sugan yahay nabad, waxa dhibaata ah oo jiraana ma jiraan  maanta madama oo aan ahay wasiirkii Arimaha gudaha , dhamaan dadku waxaa uu ku soo toosay 99% nabad iyo daganaansho, anigu ma qabo hadayna balaayo kale jirin wax dhibaato ah oo aynu qabnaa oo uu madaxweynahu iskugu yeedho shir qaran, cidkale oo awood u lahin habayaraatee ma jirto axsaabtu haddii ay wax tabanayaan ama ay warar hayaan, waxba kama qabno  inaan u yeedho oo anu ka wada hadalno,waxii dareen ah ee Jira .”Ayuu yidhi Wasiirku.




Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa kale oo uu intaasi raaciye” Waxaase reeban in aanay cidina ku xad gudbin  sharciga dalka u yaala, taasina kama filaayo asxaabta maanta joogtaa , qaar waxgarada weeyi ,oo kumana fikiri karaan wax  aan ahayn sharciga dalka u yaala ,wixii kale  ee loo baahan yahay anagu hadaanu nahay dawlada axsaabta qaranka waanu wada hadalnaa,wixii Ray’i ahana way noo soo  Gudbiyaan shirarbaanuna  qaadanaa ,waxa ay xaq u leeyahina waa in xisbi kastaaba uu shir qabsan karo, oo uu Danihiisa iyo mustaqbalkiisa kaga hadli karo kaas oo ay xaq u leeyahiin, dawlada iyo madaxweynaha qarankuna isaga ayaa xaq u leh inuu u yeedho shir-weyne qaran hadii loo baahdana uu qaban karo, sidaas awgeed waxaan jeclahay inaan axsaabtana u yeedho ,oo aan kala hadlo hawlahaas ay ka hadleen”Ayuu yidhi.




Guddoomiyeyaasha labada xisbi ee UCID iyo WADDANI, ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay Guddiyo u magacaabay qaban-qaabada shirkaasi, waxaanay ku baaqeen in qaybaha bulshadu ka soo qayb-gasho.




Khadar Maxamed Xaashi




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com